Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodijeex Oo Madaxweyne Siilaanyo Uga Mahad Celiyay Tayaynta Gar-soorka Dalka

0
308

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar ismaaciil  ayaa ku amaanay madaxweynaha Somaliland Axmed  Siilaanyo,  sida uu is-bedelka muuqda ugu sameeyay cadaaladda iyo gar-soorka dalka, gaar ahaana   in kor loo qaado tayadda gar-sooreyaasha maxkamadaha.  Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi Jeex oo shalay warbaahinta la hadlay   waxa uu sheegay in xukuumadda Kulmiye maxkamadaha dalka ka hawlgelisay  dhalinyaro   aqoon yahamiin ah,   taasi  oo uu guddoomiyuhu ku tilmaamay inay tahay mid si weyn uga bedeshay  hanaanka gar-soorka dalka. Waxaanu  yidhi “Waxaanu u mahadnaqaynaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  oo ku dhiiraday inuu saxeexo heshiiskii dhalinyaradda iyo dadka wax bartay ku soo geli laahaayeen gar-soorka dalka. Waxa   kale oo aan uga mahadnaqaynaa  heshiiskaa UNDP  oo nala saxeexday, kaasi  oo ahaa in gar-soorka lagu soo daro dhalinyaro aqoon leh.”  Axmed Dalmar ismaaciil,  waxa kale  uu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo maxkamaddaha ka hawlgalisay boqol gar-soore oo uu hore ugu  balanqaaday madaxweynuhu in lagu soo darro bahda gar-soorka dalka “Boqol qof ayuu balanqaaday madaxweynuhu,  boqolkiiba gar-soorka way soo galeen,  waana muraayadda gar-soorka.  Madaxweynaha  waan uga mahadnayaa hiilka iyo ka war-haynta  uu nala garab taagan yahay,  inuu gar-soorka ka caawin doono wixii ay u baahdaan.  Sida  qalabaynta,  in aqoonta  kor loo qaado,  in mushahar kordhin loo sameeyo gar-soorka, oo  baahidooda la dhamaystiro.  Waayo  haddii gar-sooruhu baahan yahay weli cadaaladi ma sugna” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply