Wefti Culus Oo Ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland Iyo Wasiirro Soo Dhaweeyay

0
306

Hargeysa (Dawan)- Wefti ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo ka kooban siddeed xubnood ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa. Weftigan oo uu dalka keenay Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil Xaaji Cumar waxay dalka joogi doonaan saddex maalmood ah.
Weftigan oo uu dalka keenay safiirka  Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta waxa soo dhawayntooda  ka qayb qaatay wasiirrada wasaaradaha Macdanta, Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Deegaanka, Safiirka Chine u fadhiya Somaliland, Xoghayaha Madaxweynaha, Sulaadiin, iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.
 
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cali Cumar ayaa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Cigaal International Airport, waxaanu ugu horrayn ka mahad celiyay soo dhawynta ballaadhan ee loo sameeyay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Farxad weyn bay noo tahay aniga iyo waftigan dalka yimid ee ka socda dawlada Imaaraadka Carabta sida diiran ee ay halkan noogu soo dhaweeyeen wasiiradii xukuumada iyo masuuliyiintiii kale ee qarankaba, waxaan aad iyo aad uga mahad celinaynaa sida diirran ee dalka naloogu soo dhaweeyey, gaar ahaan caasiamada Somaliland ee Hargaysa.
 
 
Danjire  Baashe Cawil  Xaaji Cumar waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada weftigan uu hogaaminayo ee ka socda dawladda Imaaraadka Carabta iyo muddada ay dalka joogi doonaan, waxaanu yidhi “Waftigan Imaaraadka  Carabta oo ka kooban siddeed xubnood, waxa ay dalka joogi doonaan mudo sadex cisho ah, waxaanay  ka kala socdaan hay”adaha kala duwan ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaanay runtii ujeedadoodu tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen mashaariicihii samafalka ahayd ee dawlada imaaraadku hore uga waday Somaliland”,
 
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland Mudane  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibada soo dhawaynta weftigan, waxaanu yidhi  “waftigan uu dalka keenay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, farxad ayey inoo tahay walalaaheena Imaaraadka oo xidhiidh soo jireeni uu ka dhexeeyey Somaliland mudo dheer, dalkoodii hooyo markii ay marar badan yimaadeen, imikana ay mashaariic dhaxal gala ay dalka u wadaan, oo daba  socotay markii madaxweynuhu Imaaraadka tagay oo uu dawlada Imaaraadka la kulmay oo mashaariico balbalaadhan oo horumara ay dawlada imaaraadku ugu balan qaaday Somaliland,  maanta markaa waftigan  safiirku wadaa, waa inay dardar galiyaan oo hawlgaliyaan mashaariicdaa ay ugu balan qaadeen Somaliland.”
Mudane Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu intaa ku daray “Weftiga sida uu safiirku sheegay waxa uu ka kooban yahay siddeed qof oo uu hogaaminayo  nin aan dalka ku cusbayn oo ka socda xukuumada Imaaraadka oo layidhaahdo  Maxamed Al Kacbi, iyo Muhandisiin iyo Engineero iyo dadwaxgarada oo mashaariicdaa kala duwan haday tamar noqoto, haday deegaan noqoto, haday diinta iyo awqaafta noqoto, iyo xaga beeraha, mashaariic kala duwan oo aad u balaadhan sidii loo hirgalin lahaa ayey maanta dalka u yimaadeen”
Wasiirka Deegaanka, Shukhri  Xaaji Ismaaciil Bandarre  ayaa sidoo kale iyaduna halkaasi ka hadashay waxaanay tidhi “Runtii maanta waxa weeye maalin aad u qiima leh, Illaahaybaa mahad leh, waxaanan runtii aad ugu mahad celinaynaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka iyo waftiga balaadhan ee uu hogaaminaayey,  ninka maanta masuulka ah ee Maxamed Al Kacbi, dhamaan waan u wada mahad celinaynaa dalka Somaliland waan ku soo dhaweynaynaa markii ugu horaysay ee aynu kulano maaha waxa weeyi dad jecel inay wax ina taraan,  jecel runtii inaynu wax noqono oo laba dawladood oo isku xidhan aynu noqono, aad iyo aad baan waftigaa balaadhan u soo dahaweynaynaa”
Marwo Shugri waxa kale oo ay intaa ku dartay “Sida ay inoo sheegeen safiirka iyo wasiirku runtii waxa ay u socdaan inay wax ina taraan oo wax inala qabtaan, inay kor inoo soo qaadaan, dalka imaaraadku maaha dal aynu isku cusubnahay ee waa dalalka ugu wanaagsan ee aynu xidhiidhka dheeri inta  badan inaga dhexeeyey ummaddeenuna inta badan ay ku noolayd.”
Wasiirka Deegaanka, Shugri  Xaaji Ismaaciil Bandarre waxa kale oo ay intaa raacisay “Dalka Imaaraadku runtii waa halkii wadankana laga soo dhisay, wadamada laga soo dhisay ayey ku jiraan ee Somaliland runtii lafdhabarta u ahaa, dadkeena halkaa jooga sida ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay maanta dalkani uu yahayba qayb wayn oo laxaadleh ka qaateen, waynu ku soo dhawaynaynaa wixii waxqabada waan la shaqaynaynaa waanan la qabanaynaa, Illaahay baa mahad leh, madaxweynuhuna waxa weeyaan madaxweynihii inoo furay albaabada runtii ee albaabadaa wada garaacay ee maanta  dalalkaa iska wada daba imanaya dalkasta ha ahaadee furaha runtii  u noqday, madaxweynahana waxaan leenahay aad baad u mahadsan tahay, anaguna si sharaf leh oo qadarin leh ayaan u soo dhaweynaynaa waxna ula qabanaynaa hadii alle yidhaahdo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply