Xisbiga UCID Oo Ka Raali-geliyay Taageereyaashooda Khilaafka Faysal Cali Waraabe Iyo Jamaal Cali Xuseen

0
306

Hargeysa (Dawan)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa taageereyaasha xisbigooda ka raali-geliyay hadallo ay warbaahinta isku mariyeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, oo khilaaf weyni soo kala dhex galay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan sheegay inaanu taageeri doonin Murrashaxnimadda Jamaal Cali Xuseen, haddii uu u arko inaanu bulshadda Somaliland iyo danaheeda aanu dabooli Karin. Hadalkaasi oo Jamaalna si adag u naqdiyay.
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa war-saxaafadeed uu xalay soo saaray raali-gelin kaga bixiyay hadalladii ay warbaahinta isku mariyeen Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, waxaanu war-saxaafadeedkaasina u dhignaa sidan:- “Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID waxaa uu ka raali galinayaa guud ahaan Shacbiga JSL,gaar ahaana Taageerayaasha xisbiga UCID,Hadalo ay War-baahinta isu mariyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID,hadaladaas oo niyad jab ku keenay taageerayaasha xisbiga,qaar ka mid ah warbaahintuna ay buun-buuniyeen,warbaahintaas oo u rogtey in khilaafkii ugu weynaa ka dhex-qarxay xisbiga UCID.
Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu bulsho-weynta JSL iyoTaageerayaasha Xisbigaba u Caddaynayaa in aan wax khilaaf ahi habayaraatee oo ka dhex jira Xisbiga aanu jirin. Gudomiyaha Xisbiga iyo Musharaxa Xisbiguna wixii yaraa ee dhexdooda ahaa Way dhammaysteen, imikana waa ul  iyo diirkeed.Xisbiga UCID-na waxaa kale oo uu si balaadhan u soo dhawaynayaa taageerayaasha iyo aqoon-yahanka ku soo biiraya xisbiga UCID.Xisbiga UCID waa xisbi sal balaadhan oo lawada leeyahay,khilaafkiisana wuu dhammaystaa iyada oo aan cidina dhex-gelin, wakhti koobana wuu ku dhammaystaa.”
Geesta kalena Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa  raali-gelin ka bixiyay hadal uu deel-qaaf ku sifeeyay oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID oo sida uu ku dooday ay dhibsadeen waxgaradka Gobolka Awdal.
“Dhallinyarro ka soo jeeda gobalka Awdal, odayaal iyo dad badan oo aad iila soo xidhiidhay ayaa ka cawday hadaladii uu guddoomiyuhu ka yidhi warbaahinta, marka hore xaal ayaanu dadkaas ka siinaynaa xisbi ahaan, maaha guddoomiye xisbi iyo madaxda qaranku inay marna arrimo xanaf leh oo qabyaalad dhex galaya yidhaahdaan, dadku waa dad walaalo ah, Awdal iyadaa dhisatay Somaliland, u malayn maayo inay dadka reer Awdal dadka kale ee walaalahood ah necebyihiin wanaag ay u hayaan mooyee.” Wuxuu Jamaal, sheegay inay dadka reer Awdal cod xoog leh siiyeen xisbiga UCID laba sannadood ka hor markii ururada la furay,”ayuu yidhi Jamaal oo u warramayay HCTV isagoo ku sugan dalka Imaaraadka carabta.
Jamaal waxa kale oo uu hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID ku masaalay inuu la mid ahaa diyaaradii Hargeysa ka kacday ee isla magaaladeedii uun duqaysay, waxaanu yidhi   “Qoddob uu guddoomiyuhu yidhi haddii aan u arko nimanka murashixiinta ka ah xisbigaygu inaanan taageersanayn waxay igu kelifaysaa inaan taageero oo aan  dadka ku idhaahdo nimanka xisbyada  kale ka sharaxan codka siiya. Horta hadalkaas annagu waxaanu u aragnay sidii  diyaaradii intay Hargeysa ka kacday isla Hargeysa duqaysay, guddoomiyaha kamaanu filanayn inuu xisbigiisa duqeeyo, taasi waa mid dimuqraadiyada ka baxsan caalamka meel lagu arkayna ma jirto, nin xisbi guddoomiye ka ah oo yidhaahda xisbigayga dadkii ka sharaxnaa ma taageerayee xisbi kale ayaan taageerayaa.”
“Haddii aanu annagu u aragno inaanu hoggaankii xisbigu na wadayn oo guul noo horseedayn  waxay nagu kelifi doontaa inaanu shirweyne aan caadi ahayn isugu yeedhno oo aanu kaga arrinsanayno guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga,”ayuu ku dooday Murrashax Jamaal yare.
Dawannews Hargeysa office
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply