Xukuumadda Somaliland Oo Itoobiya Ku Wareejisay Tahriibeyaashii Ugu Badnaa

0
235

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay dalka Itoobiya u mustaafurisay 400 oo  qof  oo ah tahriibayaala oo  sifo sharci darro ah dalka ku soo galay, kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeda qoomiyadaha dalka Itoobiya.
Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi, Taliye ku xigeenka laanta scodaalka ee Gabiley Axmed Caqli Nuur iyo Taliyaha saldhiga degmada Wajaale saddex xidigle Kayse Suudi ayaa tahriibayaashan ku wareejiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, waxaana dadkaasi lagula kala wareegay magaaladda xadka ku taalla ee Wajaalle.
Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi oo ka hadlay tahriibayaashan ay u gudbiyeen dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo si sharci darro ah ku soo gasha dalka Somaliland waxaanu  yidhi “Haddii aanu nahay maamulkii degmada Wajaale, Ciidamada Booliska qaranka iyo ciidamada sirdoonka, dhammaan waxaanu heegan u nahay afar iyo labaatanka saaacadoodba in aanu gacan bir ah ku qaban doono cid kasta oo isku dayda inay  dalka sharci darro ku soo galaan.”
Taliyaha saldhiga degmada Wajaale saddex xidigle Kayse Suudi ayaa isaguna ka hadlay tahriibayaashan, waxaanu sheegay in tiradoodu dhan tahay 400 qof, waxaana uu yidhi “Halkan waxa aanu ku haynaa 400 qof oo ah tahriibayaashii dalka soo galay oo ciyaal iyo odayaal ku jiraan oo qaarkood aanay qaan gaadhin.”
Taliye ku xigeenka laanta scodaalka ee Gobolka Gabiley Axmed Caqli Nuur ayaa isaguna tilmaamay in Itoobiyaankan ay mustaafuriyeen ay ka kooban yihiin qoomiyadaha degan dalka Itoobiya waxaana uu yidhi “Itoobiyaanku waxa ay iskugu jiraan dad maafiya ah, odayaal inta qoomiyadeed ee Itoobiyanna way ka kooban yihiin. Sidaa darteed waxaan leenahay nimanka Itoobiyaanka qaada haddii ay ka waantoobi waayaan tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadi doonaa.”
Xogo iyo Dhacdooyin Qosol Leh oo Dalka Shiinaha ka Dhaca
 
Waxa jira Dhacdooyin badan oo  ah dhaqan iyo qisas la yaab leh ooo ka jira wadanka Shiinaha.siday ay qortay shabakadda Maankaab, oo aanu ka soo xiganay qormaddan xiisaha badan:-
 

  • Dadka tujaarta ah ee ku dhaqan dalka Shiinaha haddii la xidho amma xukun xabsi ku dhaco waxa ay kiraysan karaan qof ay lacag siiyaan si uu xadhigga uga furto, xukunkana u dhammaysto. Waa wax iska caadi ah dhaqanka Shiinaha in arrintaas lagu arko, maxaa yeelay waxa lagu maahmaaha; ‘Maraykanka waxa uu dabbaqaa kala dambaynta sharciga (Rule of law), Shiinuhuna waxa uu leeyahay kala dambaynta dadka (Rule of People).
  • Sida lagu iftiimiyey warbixinno kala duwan, dalka Shiinuhu wuxuu dhawaanahan Maraykanka ka qaaday oo uu noqday waddanka adduunka ugu dhaqaalaha badan, taasina waxay u saamaxday waxyaabaha dalku iib geeyo, halka 3.29% dakhliga magaalada San Francisco ee Maraykanka haystaa uu ka yimaad Shiinaha.
  • Dadka ku hadla luqadda Ingiriiska ee jooga Shiinaha waxay ka badan yihiin kuwa dalka Maraykanka ku nool, taasina waxa ay ku tusaysaa inta qof ee ku nool Shiinaha sida ay u tiro badan yihiin.
  • Waxa Shiinaha lagu arkay dhawaan nin caloosha god weyn ku yeeshay oo ay ka sameeyeen basbaaska iyo cuntada kulul oo uu aad u cuno, dhakhaatiirtuna aad ula yaabeen godka amma boogta caloosha ka samaysantay.
  • Dalka Shiinaha waxa dhacday in dhallinyaro tiro badan kelyahooda u iibiyaan sidii ay lacagta laga siisto u siisan lahaayeen telefoonka casriga ah iPad.
  • Nin u dhashay Shiinaha ayaa lagu xukumay 12 sanno oo xabsi ah, kadib markii uu cunay shabeelkii ugu dambeeyey ee ka hadhay shabeelada dalkaas asal ahaan ka soo jeeda (Indochinese tiger), balse ninkaas wuxuu ku dooday in aanu garanayn, shabeelkuna soo weeraray si uu isaga difacaana u dilay.
  • Dalka Shiinaha da’yartoodu waxa ay la kulmaan niyad-jabka ugu daran, sida la sheegayna 7 ka mid ah 10 arday ee dibadda u safro dib uguma noqdaan nolosha waddankooda amma maba soo hawaystaan in ay dalkooda dib u eegaan. Dalalka ugu badan ee ay door bidaan waxa ugu horreeya Maraykanka.
  • Mashquulkii ugu badnaa ee gawaadhi waddada maraysa ku habsada waxa uu ahaa mid baabuurtu is daba taxnaayeen 10 maalmood, masaafada ay gaadhayeen kuyuuga ku jireenna ahayd 60 mayl. Darawaliintu waxay isaga gudbayeen magaalooyimla Beijing ilaa Mongolia, taasoo macnaheedu tahay in ay bishii August ee 2010 cidhiidhi ku jireen 10 maalmood oo xidhiidh ah
  • Marka la gaadho sannadka 2025 haddii Ilaahay yidhaa, waxa Shiinuhu yeelan doonaa 10 caasimadood oo baaxad ahaan leekaan doona magaalada New York ee Maraykanka, halka bulshada Shiinuhuna kori doonaan oo ay ku biiri doonaan 350 milyan oo qof.
  • Dhacdo kaloo cajiib ah ayaa waxay tahay in nin Shiinaha u dhashay xaaskiisa ku eedeeyey in ay fool xun tahay, isagoo waliba kiiskii maxkamadda ku guulaystay. Gabadhan waxa ay isku samaysay qalliin quruxda ay (Plastic surgery) oo qiimahiisu ahaa $100 kun oo doollar ka hor inta aanay ninkan la kulmin, kadibna wuxuu la yaabay sababta ubadkiisu u fool xumaadeen, isagoo ku kalsoonaan waayey abuurta Ilaahay, kadibna dacweeyey.

 
Magaalooyinka ugu badan ee dadkoodu is dilaan amma naftooda qudha ka jaraan waxay ku yalaan dalka Shiinaha, sidaa darteed, Shiinaha waxa ka jira dad loogu talogalay inay maydka badda ka soo saaraan, shaqadooduna tahay kalluumaysiga maydka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply