Prof. Mixille Oo Tabobar u Soo Xidhay Xoghayeyaasha Dawladaha Hoose

0
331

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Prof. Maxamed Mixille Boqore ayaa shalay soo xidhay tababar muddo siddeed maalmood ah  u socday xoghayeyaasha dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.
Prof. Maxamed Mixille Boqore oo hadal ka jeediyay munaasibadii xidhaankii tababarkan loo soo gabogabeeyay xoghayayaasha dawladaha hoose ee degmooyinka dalka ayaa waxa uu u soo jeediyay ka qaybgalayaashii tababarkaasi inay ku shaqeeyaan wixii ay ku qaateen tababarka, maadaama xoghayahayaashu yihiin halka ay ka socoto shaqadu.
“Buuhoodle iyo Xaysimo marka aan arko waxaan idhaahdaa dalkii waa soo kordhayaa oo wax baa ku soo kordhay wixii halkan aad ka barateen in aad qabataan waxa ugu muhiimsan oo shaqadana wanaajinaya haddii qorshihii aad samaysateen marka uu wakhtigu dhammaado aad haddana samaysaan dabo-gal oo sidii aad qorsheyseen in loo fuliyay aad hubisaan, haddii aan sidii la rabay aan wax loo qabana aad sababaysaan waxa loo fulin waayay,”Ayuu yidhi Prof. Mixille.
 
 
Guddoomiyuhu  waxa kale oo uu intaa ku daray “Xoghayahayaasha iyo maayarrada ayuun baa sameeya miisaaniyada, waaxda qorshayntu waa muhiim waayo waxa isku qotama wixii la qaban lahaa iyo miisaaniyadii waana muhiim.”
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu waxa uu kale dardaarmay ka qeyb-galayaashii tababarkaasi inay ku shaqeeyaan aqoontii ay ka faa’iideen tababarka, waxaanu yidhi “Waxa aan idin kula dardaarmayaa wixii halkan aad ka barateen in aad ku shaqaysaan halka wax ka dhaqaaqayaana  waa xafiisyada xoghayayaasha.”
Khaddar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply