Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Digniin u Diray Dadka Ka Ganacsada Tahriibinta

0
447

Boorama(Dawan):-Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf(Ina Cambaro),ayaa digniin kama dambays ah u diray dadka ka ganacsada Tahriibinta dadka oo uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono haddii ay ka waantoobi waayaan.
Taliyaha Waaxda  Socdaalka oo socdaal shaqo ku marayay gobolka Awdal,waxaa kale oo uu sheegay in dalalka Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqaynayaan isu socodka dadka labada dal iyo nabad gelyo isugu gudubka waxaa kale oo uu intaa raaciyay in dalalka  Somaliland iyo Itoobiya si wada jir ah ay ula dagaalamayaan Tahriibka iyo dadka ka ganacsada labadaba.
Taliyaha oo  Boorama Warbaahinta kula hadlayay ayaa yidhi.“Socdaalkayagu wuxuu la xidhiidhaa sidii loola dagaalami lahaa Tahriibinta isla markaana Somaliland ay u qaban lahayd dadka ka tahriibaya iyo kuwa tahriibta ku soo gelaya labadaba.”
Waxaanu intaa ku daray Taliye Maxamed Cambaro isagoo hadalkiisa sii watay. “Dalalka Itoobiya iyo Somaliland waxay heshiis ku yihiin isu socotada labada shacbi iyo nabad gelyadooda waxaanay iska kaashanayaan la dagaalanka Tahriibta.  sidaanu  ku soo balanay kulamadayadii aanu wada yeelanay dawladda Federaalka Itoobiya iyo Madaxda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya labadaba.  markaa waxaan digniin adag u dirayaa dadka Tahriibta ka ganacsada oo aan leeyahay ka waantooba  dadka aad tahriibinaysaan cidda lagu qabtana waxaan u sheegayaa in tallaabo laga  qaadi doono oo sharciga la marin doono.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply