Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Cusub Ee Wasaaradda Dib u Dejinta

0
459

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay u magacaabay Aadan Cabdilaahi Cabdalle Nuur inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Dib u dejinta Somaliland.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr) oo u qornaa sidan:-
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-36561/102015 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
 
Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
 
Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdalle Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dub-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Agaasimihii Diinta iyo Awqaafta).”
 
Geesta kalena Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka mid ah Golaha xukuumadda, isagoo buuxiyay xubnihii u dambeeyay ee iscasilay xilalkii ay baneeyeen.
Waxaana sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Aadan Cigge, waxaanay u qornaayeen sidan:
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magacabay wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:                Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                 In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, Wasiiru-dawlayaasha, iyo Wasiir ku xigeenada,  Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:       In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 

  1. In Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  3. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel)
  4. In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  5. In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  6. In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  7. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  8. In Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
  9. In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
  10. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  11. In Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  12. In Eng. Cabdi Maxamed Hiired, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  13. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  14. In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  15. In Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  16. In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  17. In Mudane,  Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 
Magacaabida Agaasimeyaasha Guud
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:                Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                 In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:    Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
 

  1. In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel)
  2. In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 
Magacaabida La-taliyeyaasha Madaxweynaha
 
Madaxwyenuhu:-
 
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; iyo La-Taliyaha Arrimaha Gobollada Bariga
Markuu Arkay:In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinkan;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. (bedel)
In Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply