Britain oo hakisay duulimaadyada Masar

0
365

Britain waxa ay sheegeysaa in macquul ahaansho muhiim ah ay jirto taas oo muujineysa in diyaaraddii Ruushka ee sabtidii ku burburtay Masar loo isticmaalay soo ridideeda waxyaabo qarxa.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Philip Hammond, waxa uu sheegayaa qiimeyn ay la socotay tijaabin sirdoon oo ilo kala duwan laga helay lagu ogaaday arrintaasi.
Xubno ka mid ah laamaha amniga ee Mareykanka ayaa xoojiyay hadalkaasi ah in bom la geliyay gudaha diyaaradda, laakiin waxay tilmaameen in taasi aysan noqon karin dhammaadka baaritaanka dhabta ah.
Sarkaal Amerikaan ah ayaa sheegay in kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee sheegatay inay ka dambeysay soo rididda diyaaradaasi ay suuragal tahay inay lug ku lahaayeen.
Britain waxa ay hakisay dhammaan duulimaadyada aadi jiray magaalada Sharma Sheekh, halkaas oo ah meesha ay ka kacday diyaaradda Ruushka laga lahaa ee la soo riday.
224 qof oo diyaaradaasi saarnaa ayaa ku dhimatay dhacdadaasi.
Masar ayaa tallaabadaasi Britain ay qaaday ku tilmaamtay mid niyad jab ah oo laga caroodo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Sameex Shukri, waxa uu ku tilmaamay tallaabo lala soo hordhacay, oo curyaamineysa, aana la jaan qaadi karin baaritaannada hadda socda.
Wasiirkan ayaa tilmaamay in cawaaqib xumada ka dhalaneysa tallaabada Britain ay tahay mid saameyneysa malaayiin qof oo Masaari ah oo ku tiirsanaa dalxiiska.
Talaabadan Britain waxa ay imaaneysaa iyadoo madaxweynaha Masar Cabdifitaax Alsisi uu ku sugan yahay London, halkaas oo uu kula kulmayo madaxda UK oo uu kala hadlaayo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Leave a Reply