18 ku dhintay dhisma ku dumay Pakistan

0
322

Olole ballaaran oo badbaadin ah ayaa weli waxa uu ka socdaa magaalada Lahor ee dalka Pakistan, halkaas dhismo afar dabaq ka kooban oo warshad ahaa uu ku dumay, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof. Tobannaan qof oo kale ayaa dhismahaasi dumay ku dhaawacmay.

Maamulka dalkaasi waxa ay sheegayaan in inkabadan 70 qof la badbaadiyay, laakiin laga baqayo in inkabadan boqol qof ay ku xanniban yihiin qeybta hoose ee burburka.
Kooxaha gurmadka degdegga ah waxa ay isticmaalayaan qalab waaweyn si dadkaasi sidegdegga ah loogu soo saaro.
Macadda waxa sababay burburka dhismahan warshadeed, laakiin dad ka shaqeynaayay halkaasi waxa ay warbaahinta gudaha u sheegeen in dhismahaasi ay dhibaato kasoo gaartay dhul gariirkii dhowaantan.
Dhul gariirkaasi waxaa ku dhimatay in kabadan 270 qof oo pakistaniyiin ah.

Leave a Reply