Markasta Dhibaatada Dawee

0
325

Markii uu yidhi inta uu is taagay waan gaajoonaya?
Kii sawir qaaduhu wuxu bilaabay inuu sawir ka qaato. Kii abwaanka ahaana wuxu ka Alfiay (curiyay) gabay, Qoraagiina wuxu ka fekerayay waxa sabab u ah gaajada haysa. Laakiin islaan da’ ahayd oo keliya ayaa iyadu siisay jab roodhi ah, taasi oo bixisay jawaab sax ah oo dabooshay baahidii uu sheegtay. Marar badan waxa lagu mashquula arrintii jirtay mid aan ahayn.
Caqliga iyo carabka waxa ka dhaxaysa xidhiidh isku cakis ah, mar kasta oo caqligu yaraado, carabka qofkuna wuu dheeraada (Wax kasta iskaga hadlaa oo sheegaa).   Saacadu waxay leedahay gacan haddana waxba kuma qabato, miiskuna wuxu leeyahay lugo haddana kuma socdo sidaasi ayay u jiraan kuwo leh Maskax  laakiin aan ku fikirin.

Leave a Reply