“Inaan Is Casilo Madaxweynaha Waan Kala Xishooday, Laakiin Foodka Saaxiibaydii Dhankooda Ayaan u Ridayaa”

0
329

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka & Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse),  ayaa shalay markii ugu horraysay ka hadlay mowqifkiisa la xidhiidha loolanka iyo tartanka ee murrashaxiinta madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE. Waxaanu caddeeyay  inuu codkiisa siin doono marka la gaadho shirka Golaha dhexe isbahaysiga murrashaxiinta la tartami doona Guddoomiye Muuse Biixi.
Wasiir Cabdilaahi Cukuse,  waxa uu sheegay in  Wasiirradii iska casilay xukuumadda ay saaxiib dhow ahaayeen, isla markaana ay ku wada socdeen in codka ay meel u wada ridaan  shirka Golaha dhexe, waxaanu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay xafladii uu Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, xilka ku wareejinayay.
“Dad badan oo halkan fadhiya ayaan  arkayaa oo is leh Cabdillaahina ma Madaxtooyadda ayuu ka mid ahaa,, Haa oo ka mid baan ahaa, ka midna waan ahaanayaa, waxa aan tilmaamayaa shantii sannadood ee la soo dhaafay oo Madaxwayne Siilaanyo uu tallada dalka hayay,  Xirsi waxa uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda, anigu waxa aan ahaa afhayeenka madaxtooyadda oo waanu wada shaqaynaynayba, marna waxaan ahaa Wasiir ku xigeen iyo Wasiirka wasaaradda Warfaafinta oo aan ka shaqaynayay, laakiin maanaan kala fogayn, waxaanu ahayn rag saaxiiba ah oo dadka isugu dhow, had iyo jeerna Madaxtooyadda dadka kula sugnaa ayaan ka mid ahaa, waxaan qirayaa in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu lixdaa Sannadood ahaa Nin af gaaban, karti badan, si sharaf lehna u soo shaqeeyay,”Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Cabdilaahi Cukuse oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray  “Waxa kale oo aan qirayaa in Maxamuud Xaashi ahaa qof karti badan oo lixdaa sannadood ka soo shaqynayay Xukuumadda oo ahaa Wasiirkii Duulista, haddana lixdaa sannadoodba waxa uu kamid ahaa bud-dhigayaasha Madaxtooyadda, waxa uu ahaa nin adag oo karti badan oo sidaa uu uga soo shaqeeyay Duulista iyo  sidaa uu Xirsi uga soo shaqeeyay  Madaxtooyada, waxa ay ahaayeen laba nin oo muuqda oo la arki karayay ayaan u qiraynaa.”
“Waxaan filayaa inay noqonayso inaan halkaa We    wer-wer ku jirin, isla markaana  ammaan iyo sharaf badani soo kordhi doonto ayaan rejaynaya, aniguna sidii aan Xirsi saaxiibka ula ahaa ayaan Maxamud Xaashina Saaxiib ula noqonayaa, Xirsina Dibadda ayaanu Saaxiib ku ahaanaynaa, waxa aanu la shaqaynaynaa Axmed Maxamed Maxmamuud Siilaanyo sida uu noo igmaday,”Ayuu intaas raaciyay Wasiirku.
 
“Xirsi iyo Saaxiibadiii kale ee faraha badnaa ee Xukuumadda ka baxay, dhammaantood waxay ahaayeen saaxiibaday, dabadeed su’aasha iigu badan ee Emailkayga buuxisay, Telefoonka  igu dishay waxa ay ahayd Maxaad Saaxiibadaa uga hadhay? Saaxiibaday waxa aanu isku ogayn inaanu foodka dhinac qudha u wada ridno, marka shirka golaha dhexe  la gaadho  ee murrashaxiintu yimaadaan.
Imikana Foodka dhinacoodii uun baan u ridayaa, laakiin waxa aan la shaqaynayaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inta uu xilka hayo. Axmed Siilaanyo aniga wuu i magacaabay, wuu i sharfay, isagaan xaqaa lahaa inuu ii magacaabo xilka, waxaa kale oo uu leeyahay in uu xilka iga qaado labadaba, aniguna xaqa aan lahaa ee ahaa inaan xilka ka tago Axmed Siilaanyo waan kala xishooday,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply