“Waxaan Ka Fikiri Jiray Inaan Maalin Uun Ka Hoos Shaqeeyo Madaxweynaha Tiina Way…” Eng. Deyr

0
304

Hargeysa (Dawan)- Afhayeenka Cusub ee madaxtooyada Somaliland Mudane  Xuseen Aadan Cigge (Dayr), ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay afhayeenkii hore ee madaxtooyad Axmed Saleebaan Dhuxul.
Munaasibad ballaadhan oo loogu tallo galay xil wareejintan ayaa lagu qabtay xarunta Qasriga Madaxtooyada, waxaa ka soo qayb galay Wasiirro  ka tisan xukuumadda, aqoonyahano iyo mudan badan oo bulshada Somaliland ka mid ah.
Afhayeenkii hore ee madaxtooyada  Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa madasha hadal kooban ka jeediyay waxaanu u mahad naqay madaxweynaha Somaliland, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa “Afhayeenka madaxtooyadu waa xil culus oo madaxweynihii qaranka ayaa afkiisii kugu aaminay in aad ku hadasho waa arrin culus oo miisaan leh madaxweynaha qaranka ayaan uga mahad-naqayaa sharaftaas iyo karaamadaas uu i siiyay, waxaana aan ka faa’iiday mudadii aan ka shaqaynayay madaxtooyadda waayo aragnimo iyo khibrad weyn, maadaama oo ay madaxtooyadu tahay halkii laga hagayay siyaasada dalka.”
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaan  qabaa mudadii aan xilkan hayay in aan si daacadnimo ah mansab aan u gutay,  waxa aan daacad u ahaa qaranka Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland, wixii aan ka filayay in uu qarankan u qabsoomana wuu u qabsoomay, waxa qabsoomay mudadaa shanta sanno ah, horumar ballaadhan,  waana waxay shacabka Somaliland ku faanayaan oo xukuumaddu ku faanayso, waxaana u mahad-naqayaa madaxweynaha oo kor u qaaday sharafta qaranka,  muujiyayna wax-qabad iyo daacadnimo.  waxa kale oo aan u mahad-naqayaa Marwada madaxweynaha Somaliland.”
Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in haddii qof xilkan ka bedali lahaa uu bedalayo nin ku habboon oo xilkan ka soo dhalaali karaa, waxaanu ku dooday In Eng. Xuseen Dayr uu muddo dheer ahaa mid ka mid ah qalin maalka sida weyn u garab taagnaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.
 
Afhayeenka cusub ee madaxtooyadda Somaliland ee xilka la wareegay Mudane Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu u  mahad-naqayo madaxweynaha Somaliland ee magacaabay waxaana uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland ee  igu aaminay in aan afkiisa ku hadlo, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada iyo wasiirka cusub ee wasaarada madaxtooyada.”
Mudane Xuseen Deyr waxa kale oo uu intaa ku daray “Xilka afhayeenimadu waa derajo iyo mansab aad u sarreeya, waa  mansab  u baahan kalsooni iyo in ummadda laysku wado oo aan cidna la  fogayn, waxa aan halkan ka qirayaa mudadii u samaysmay xisbiga Kulmiye ilaa 2002 in aanan maalin kaliya ka leexan himilada iyo hadafka madaxweynaha Somaliland, waxaana aan ku fikiri jiray in maalin maalmaha ka mida aan ka mid noqon doono dad ka  hoos shaqeeya Madaxweynaha , tiina way timid.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply