“Xirsi Markuu Xilkan Culus Hayey Waxaan Ka Mid Ahaa Dadkii La Shaqeeyey Ee Kaaliyey Ee Garabkiisa Taagnaa”

0
282

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooaydda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay  Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xafladan waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta  iyo shaqaalaha madaxtooyadda Somaliland.
Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo ka hadlay xafladaas ayaa  warbixiyey baaxada iyo culayska ay leedahay wasaarada madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee maanta la kala wareegaya Xilalka.
 
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wasiirka cusub isla markaana sii sagootinayaan Wasiirkii hore oo uu ku ammaanay wax-qabad iyo karti.
 
Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xafladaas ka hadlay  ayaa  sheegay in markii xilka loo magacaabay aanay jirin wasaarad uu la wareegay. “Anigu waxaan   odhan karaa wuu igaga nasiib wacan yahay Wasiirka cusubi,  maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda madaxtooyada la yidhaahdaa oo aan la wareegay balse maanta waxaan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin hawlaheedii iyo waaxaheedii  wasaaradnimo,”ayuu yidhi Wasiirkii hore Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
 
Wasiirkii hore waxa uu  amaan u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo lix sanno ku dhow  oo ay soo wada shaqaynayeen, waxaanu madaxweynaha ku sifeeyay Hoggaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan.
“Waxaan ku wareejinayaa Wasiir Maxamuud Xaashi meel habaysan oo qorshaysan oo wax la qaban karo leh oo dariiq loo raaco leh.  laakiin anigu maan helin nasiibkaa ILAAHAY ayaan ku mahadinayaa inuu igu guuleeyay in wax-qabadkaas badani   ii suurto-galaan aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa shaqaalaha  wasaaradda iyo masuuliyiinta kale ee ila shaqaynaysay caaqabadihii ilaa kulmay ayay ka mid ahayd in wax macluumaad ah  oo la raaco aanan ugu tagin.  Wasiirkii iga horeeyay waxa uu ahaa Xasan Macalin oo ugu maan tagin wasaaradda oo isaga oo ka tagay ayaan imid,”Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu.
Wasiirkii hore oo ka hadlayay dhibaatooyinkii uu kala kulmi jiray bilowgii xisbiyahanadii KULMIYE, waxa uu yidhi “Guud  ahaan caqabadaha aan la kulmay waxa ka mid ahaa xisbiga KULMIYE  Markii  uu guulaystay oo inta xilka heshay ay ka badan tahay inta xilka wayday ee cabanaysa ee islahayd  madaxtooyadda gal ee askarta is laynayaan  ee aad  mushkiladda kala kulmayso ee cabashada ka dib na qaylo dhaanta dheer iyo wax walba Xirsi ayaa xumeeyay oo haddii ay cadceedu  xumaato  Xirsi ayaa xumeeyay ayaa la odhan Jiray. mana hawl yara marka aad  la  shaqaynayso madaxweyne caan ah  oo saaxiibadiisu badan yihiin oo kuwii xisbiga Kulmiye kula soo shaqeeyay iyo kuwii dawladnimada kula shaqeeyayba hareeraha ka taagan yihiin.”
 
 
 
Wasiirka cusub ee madaxtooyada  Maxamuud Xaashi Cabdi oo xafladaas soo gabo-gabeeyay ayaa  u mahad naqay Wasiirkii hore  ee madaxtooyadda oo uu sheegay inuu ahaa masuul ay saaxiib ahaayeen oo wax weyn qabtay mudadii uu la shaqaynayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlayay xafladaasi waxa uu yidhi “Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Madashan jooga, Wasiirradii hore ee Xukuumadda ka tirsanaa, Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Xildhibaanada iyo dhammaan mudanayaasha iyo marwooyinka waxaan leeyahay, runtii munaasibad aad u qiimo badan ayeynu joognaa, waxaanan jecelahay inaan idiinka mahad celiyo ka soo qayb galka wanaagsan, iyo dhagaysiga wanaagan.
Wixii tallo iyo dardaaran ah, ama gaar ha ii siiyo ama Golaha ka ha idhaahdee iyadu waa hawraarsan iyo gudoon, waanan ugu mahad naqayaa, Runtiina waxaan qirayaa in Wasaarad iyo xarun Madaxtooyo oo dhisan aan saaka la wareegay, oo waxbadani iska badaleen mudaddii u dambaysay, taasi waxay daliil cad tahay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda uu hogaaminayey Madaxweyne Siilanayo ee tallada dalka haaneeday halkii ay ka soo qaaday la garanayo, inay xaqiijisay isbadal weyn  oo Taariikhi ah iyo horumar balaadhan,  waa laga tilmaan qaadanayaa halkan aynu joogo, waayo halkani waa maskaxdii Umadda looga talinayey, inay dhisnaato, inay Qurux-yeelayo, iyo inay qiimo yeelato intuba meesha ayey ku jiraan. Anigu Wasaarradii aan ka imid waa halka dalka lagu soo gallo sidaas oo kale Wasaaradaha kale ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay wax weyn ayaa laga qabtay, markaas  Xirsi oo Madaxweynaha ka kaalinayey Maysinkan aan maanta kala wareegay, runtii waxaan qirayaa inuu runtii wax weyn ka qabtay, Madaxtooyaddu waa meesha isku xidha xarumaha dawladda oo dhan, waa meel xil culus leh, ILAHAY-na waxaa ka baraynaa inuu ii fududeeyo.”
 
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xaqiiqdii Waa Santal Boolka dawadda isku xidha, waxaan aamin-sanahay  Xirsi ragga isku dhaw oo wada shaqeeya ayaanu ahayn, Gollaha Wasiiradana kuma cusbi, Madaxtooyaddana dadka ugu imaatinka badan ayaan ka mid ahay oo iyadana kuma cusbi, masuuliyadan iyo magac dhaw-gan ayuunbaan ku cusubahay, iyada dadka xanteeda, xogteeda iyo xansaskeedaba dadka ugu dhawdhow ayaan ka mid ahay.Waxaan Aaminsanahay Xirsi xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu si wanaagsan oo hufan ugu soo baxay, libtaas iyo horumarkaas balaadhana waxa iska leh Madaxweyne Axmed Siilaanyo, marka laga imaado nin waliba maysinkii uu ka kaalmaynayey Libteeda iyo taariikhdeeda, inuu leeyhay.”
“Waxaanu la shaqaynaynay Aniga, Xirsi iyo rag badan oo kale, Madaxweyne balaadhan oo Damal ah, oo Umadda oo dhami ay hoos hadhsato, oo magac weyn. waxaan aaminsan nahay mudadii uu Xirsi xilka wasaaraddan hayey inuu xaqiijiyey sawirkii iyo muuqaalkii Madaxweyne Siilanayo ee ahayd inuu Umadda isku wado. Umadda oo halka looga taliyo iman waydaa waxay muujinaysaa in maamulkaas iyo Madaxweynahaasi in aanay ahay kuwo Bulsho, ee laga yaraanayo, kaadhankaas Madaxtooyadda lagu soo galo, ee la kala guri kari waayey ee labeentii dalka la kala reebi kari waayey, waxay muujinaysaa in Rajo ay halkani taallo. Aniga masuuliyadaha  I saaran waxa ka mida in dariiqaas Xirsi uu ku shaqeeyey ee Madaxweynaha himiladiis ah Inaan ku shaqeeyo Umadduna ay halkan isugu timaado, iyada oo kala aragti duwan kalana Asxaab duwan, iyada oo kala Deegaan duwan waayo Umadda ayaa halkan wada leh, Umadda ayaanay ka dhaxaysaa, Madaxweynuhuna waa Madaxweyne Qaran, Muraarid iyo muxaafid, lab iyo dhadig, Barri iyo Galbeed. Xukuumadda oo dhan ayuu Oday u yahay, Sawirkaas inaan xaqiijiyo aniga waa masuuliyada I saaran, oo aan Madaxweyna la xaqiijiyo in aanu Umadda isugu faalino, ee aanaan u kala faalain, waxaan rajnayaa oo aan aaminsanahay in aanu Himiladaas hore u xaqiijiyey, guud ahaan, iyo gaar ahaan-ba, imikana aanu xaqiijinayno,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
 
Wasiirka cusub ee Madaxtooyaddu waxa uu xusay in taariikhdu qori doonto waxqabadkii Wasiirkii uu xilka kala wareegay, waxaanu yidhi “Xirsi Cali Xaaji Xasan, waa kaas aan anigu sheegay Taariikhduna ay xusi doonto, waxa dadka qaarkii ay meelahaas laysla dhex maraan ama xanta la yidhaa , Maxamuud iyo Xirsi waa Col, aniga iyo Xirsi waxaanu ka mid ahayn dadka ugu hadal haynta badan ee Xubnihii Madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay, hadana waanu ka mid ahayn dadka isugu dhow. Xirsi markuu xilkan culus hayey waxaan ka mid ahaa dadkii la shaqeeyey, ee kaaliyey ee garabkiis taagnaa, ma ahayn micnuhu in aanu isku qalo ahayn, ILAHAY umadda si ayuu u beeray, laakiin waxaan is leeyahay, waxa saamayn badan ku lahaa waxaan ahaa Gacan-yarihii Madaxweynaha xiligii Doorashada Madaxtooyadda, Chief os Staff-kii Ole-olaha Doorashada ayaan ahaa, Xirsi maadaama uu noqday gacan yarihii Madaxweynaha ee Xukuumadda, taas ayaan is leeyahay waxay keentay, isu dhawaan-shahayaga, is aragayaga, iyo tallo wadaagaya ee ma ahayn laba nin oo isku reer ah kaliya, waxaan rajnayaa oo aan aaminsanahay in isuguna uu sidaas si la mid ah, iila shaqayn doono, Iilana tallin doono, sidaas uu balan qaaday, gaarna wuu ii yidhi Golahana waa ka sheegay, taasina runtii waa mid aanu xeer u leenahay.
Raga waaweyn ee Qiimaha lahaa ee Golaha Wasiirada aanu ku wada jirnay, ee ay ka mid yihiin Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta aniga xilka igu wareejinaya iyo Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo runtii aan Ixtiraam weyn u hayo, ragaas waxaanu ahayn Ragii Guusha wada keenay, isku Tiim ayaanu ahayn, isku Xisbina waanu nahay, Aragtidana waa lagu qayb samaa, Siyaasada dabeecadaheeda iyo dhaqankeeda weeye, Colaadina ma jirto rag is daba gali karana  ama Jalfis isku dhigi karana ma nihin, waxaan is leeyahay rag ka bisil ayaanu nahay, ugu dambayntii waxaan u Mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Siilaanyo oo xilkan ii magacaabay, iyo Wasiirkii hore ee maanta xilka igu wareejiyey.”
 
 
Waxa kale oo iyaguna isla xafladaas xilalkii kula kala wareegay  Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada bari imikana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo isna xilkii wasiirul dawlaha ku wareejiyay Wasiirul dawlaha cusub Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab).
 
Waxa kale oo iyaguna xilkii isla shalay la kala wareegay Afhayeenka cusub ee madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) iyo Afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply