Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Xilliga Ay Qabsan Doonaan Shirkoodii Golaha Dhexe

0
364

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland,ahna hogaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah  ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal bil ah oo uu ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaarada Yurub, waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Taageereyaashiisa, kuwaas oo iskugu jira mudnayaal ka tirsan laba aqal ee baarlaamnka Somaliland iyo masuuliin ka tirsan Xisbiga Waddani.
 
Guddoomiye Cirro oo qolka nasashada kula hadlay warbaahinta kala duwan ee dalka ayaa ugu horayn u mahad-naqay dadka soo dhaweyntiisa ka qayb-qaatay, sheegayna inuu ku faraxsan yahay soo noqoshadiisa. “Waan ku faraxsan nahay anigoo nabad qaba oo caafimaad qaba haddii aan dadkaygii iyo dalkaygii ku soo laabtay, waxaan u mahad naqayaa dhammaanba dadka I soo dhaweeyey oo uu shir guddoonka golaha wakiilada ugu horeeyo, madaxda xisbiga, xildhibaanada labada gole,dhalinyarrada iyo dhammaanba dadka  halkan igu soo dhaweynaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiiladdu.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo ka hadlayay ujeedadii socdaalkiisa waxa uu yidhi  “Waxa runtii safarkaygu ahaa laba qaybood, waxaad ka war-qabtaan in goluhu markii hore uu ku jiray fasax, markaa fasax iyo shaqo  ayuu isugu jiray. waxaan dalka ka maqnaa muddo afar todobaad ku dhow, waxaan soo maray saddex wadan, dalka Finland oo aan kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlada iyo jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi joogta,waxa kale oo aan marti qaad ka helay baarlmaanka yurub iyo baarlamaanka Holand oo aan muddo todobaad ah halkaas soo joogay.  waxaan la kulmay guddiyada golaha Holland iyo wasaarada arrimaha dibada ee Holand, waxaan siiyey xog-waran ku saabsan xaalada Somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmada Somaliland la siiyo gaar ahaan mashaariic ku saabsan shaqo abuur, gaar ahaan dhalinyarrada sida aynu ka war-qabno wey shaqo la’yihiin iyo adeega guud oo la kordhiyo, ha ugu horeeyaan biyaha iyo caafimaadku. waxa kale oo aan uga xog-waramay doorashooyinka iyo diiwaangelintu halka ay marayaan,arrimaha ictiraafka Somaliland, arrimahaas rejo wanaagsan ayaan ka
Guddoomiyaha WADDANI waxa uu sheegay inuu rejaynayo in khilaafka KULMIYE la soo afjaro, waxaanu yidhi  “Markaa xukuumadu waa xukuumadii qaranka, xisbiga la doono ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbiyadda kale. Waxay masuul ka tahay maamulka waddanka, waxay masuul ka tahay amnigga, waxay masuul ka tahay qabashadda doorashooyinka, khilaafka KULMIYE waxa  saamayn ku yeelan qaranimadda Somaliland. Runtii arrintaasi werwer badan ayay galisay axsaabta mucaaridka ah. Waxaanan rejaynayaa in khilaafkoodu so oaf-jarmmo.”
 
 
Gudoomiye Cirro oo wax laga waydiiyay inay wada-hadal la furayaan Wasiirradii xilka xukuumadda iska casilay, waxaanu yidhi  “Runtii anigu waanu ixtiraamaynaa qof kasta xisbiguu ku jiro ayaanu ku ixtiraamaynaa, Runtii masuuliyiinta is casilay xilka Wasiirnimo ayay iska casileen ee kamay bixin xisbiga KULMIYE, marka wixii ka baxa way noo furan yihiin in aanu la hadlo. Laakiin imika waxaanu ku ixtiraamaynaa inay Wasiirradii ka tageen oo ay xisbigoodii ku jiraan siday iyaguba sheegeen.”
 
Mr. Cirro oo ka jawaabayay su’aal ahayd xilliga la qaban doono shirkii Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, waxa si kooban ugaga jawaabay “Qabsashadda shirkii  golaha dhexe ee WADDANI,  ma foga oo sannadku intaanu dhammaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda  horaantiisa.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply