Xukuumadda Somaliland Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Duufaanno Iyo Dabeylo Ku Soo Wajahan Xeebaha Dalka

0
288

Dacar-budhuq (Dawan) – Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale soo saartay digniin ay shacbiga Somaliland uga digayso inay ka durkaan deegaamadda Xeebaha ah oo ay sheegtay in laga cabsi qabo duufaanno dabaylo wata oo hor leh oo ku soo waajahan xeebaha Somaliland.
Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.
 
“Waxaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka dega Xeebaha aan Warbaahinta u marinayaa farriin wacyi-galin ah. Dadka ku xeel-dheer Saadaasha Hawadu waxay sheegayaan Dabeylo iyo Duufaanno ILLAAHAY ha ina hareer mariyo’e, waana la arkay oo waxay ka dhaceen Degmooyinka Bulaxaar iyo Lughaya oo wixii aanu ka qaban karaynay Xukuumad ahaan waanu ku hawlan nahay oo ilaa shalay dadkaas raashin ayaa loo dirayey, runtiina waxaan ugu mahadnaqayaa Wasiirka Maaliyadda oo Madaxweynuhu ku amray hawshaas,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda oo shalay la hadlay warbaahintu.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu intaas ku daray  “Bulshadaa waxaan leeyahay ka tabaabulshaysta dhawr arrimood ayaa laga baqayaaye waa in meelaha Badda u dhow laga fogaadaa waayo? labada arrimood ee laga baqayaa midda koowaad waa Badda oo soo fatahda oo soo caaridda oo wax qaada. Midda labaadna waa Dabaylo soo dhow oo qaada waxa ku dhow, markaa waxaan leeyahay labadaas Arrimood taladoodu waxa weeye in Badda laga fogaado oo dadka Kalluumaysatada ahina ay Badda iskaga soo baxaan. Dadka Badda agteeda Xoolaha ku dhaqdaana waa inay isaga fogaadaan. Dadka Meelaha aan dugsiga ahayn joogaana waa inay ka guuraan oo meelaha dugsiga ah ee Buuraha u soo guuraan, waxaan leeyahay tallooyinkaasi waa kuwo ka turjumaya sida looga gaashaaman karo Aafooyinka innagu soo socda ILLAAHAY inooma keenee.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxyaabahaas dabiiciga ah ILLAAHAY ayuubaa hakin kara ee Dawladduhu ma qabtaan oo kuwa inaga xooga weyn ayaa ku guuldaraystay inay hakiyaan, markaa Innaga oo Itaalkeena aynu ognahay hadalkeedaba daa’. Soomaalidu waxay tihaahdaa ILLAAHAY ha ku badbaadiyee adiguna meel baydhsan seexo, markaa Dadkaas waxaan leeyahay talladaas qaata.”
 
 
 
 
 
Sidoo kalena, Wasiirka cusub ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,  oo ay waheliyaan Maareeyaha wakaalada horumarinta wadooyinka Xasan Cali Cismaan iyo Wasiiru-dawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa shalay kormeer ku soo maray  waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan inta ku dhow deegaanka Laasgeel oo dhibaato ka soo gaadhay daadadkii ka dhashay roobabkii da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyay.
 
Daadadkii ka dhashay roobkii khamiistii ilaa habeen hore ayaa jaray meelo ka mid ah jidka laamida ah ee dhex mara degmada laasgeel, waxaanu khasaare keenay in gaadiidku xanibmo  soo gaadhsiiyey dooxa dacar-budhuq, laakiin waxa si deg-deg ah halkaasi u tagtay wakaaladda  waddooyinka Somaliland oo wadata qalabkeedii waxay ku guuleysteen inay wax ka qabtaan waddada qaybteeda Laasgeel ee go’day waxaana hadda maraya gaadiidkii hore ugu xanibnaa, inkasta oo illaa shalay  gacanta lagu hayo.
 
Wasiir Maxamuud Xaashi,  ayaa waxa uu ka hadlay sida xukuumaddu arrintaas uga hawl-gashay, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa saaka (shalay) aniga iyo masuuliyiintan ila socotaaba  aanu kormeer ku nimid tabaalaha iyo dhaawacyada soo gaadhay jidka laamida ah ee degmada Laasgeel iyo aaga kale  dhaawac weyn ayaa wada soo gaadhay oo daadadkii ay keeneen, ilaahay ayaa   ku mahadsan barwaqadaas uu inna siiyey muddo yar ka hor waxa aynu ka cabanaynay abaar, ibnu aadam ayeynu nahay itaal daran, nimco waliba nusqaan leh, roobabkii waxay waxyeeleen jidadkii, arrintaas oo hakad galisay isu socodkii bulshadda, arrintaas oo aanu wax ka qabanay shaqadeeduna ay wali socoto.”
 
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Waxaan u mahad naqayaa gudoomiyaha degmada Laas-geel oo u dhaqmay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh, qaylo dhaana keenay, sidoo kalena waxaan u mahad naqayaa maareeyaha wakaaladda wadooyinka iyo Injineeradiisa oo iyaguna illaa shalay ku hawlanaa arrimahan oo saaka(shalay) aanu halkan goobta shaqada ugu nimid. Wakhtigan roobabka ah qorshe degdeg ah ayey u baahan tahay waddooyinku. Waxaan ilaahay uga barayaynaa inuu shaqada ay hayaan ka kaalmeeyo hawl wadeena iyo madaxda wakaaladda  wadooyinka ee shaqada baaxada leh halkan ka wada, annaguna waanu ku dhiiri gelinaynaa.”
Wasiiru-dawlaha wasaaradda madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees oo  halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Nimco weliba nusqaanteeda leh oo khasaarahan illaahay baa innagu keenay, laakiin saaka ayaanu ka soo guuraynay oo dedaal weyn baynu ka galnay oo waatan Wasiirka madaxtooyada, maareeyihii Wakaaladda  waddooyinka iyo Wasiiru-dawlihii madaxtooyadu, taasina waxay inna tuseysaa dedaalka aynu samaynayno iyo juhdiga aynu gelinayno hadba wixii hawl timaadda.”
 
Guddoomiyaha degmada laasgeel  Mustafe Ibraahim oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu illaahay ugu mahadinaynaa dhawaaqii aanu idaacadaha ka jeedinay oo aad ka soo jawaabteen, weliba iyadoo ay jimce tahay inaad noo timaadeen iyadoo lagugu bartay wax-qabad markii aad joogtay wasaaradda duulista sidaad madaarrada wax uga qabatay, imikana marka roobku qaado aad deg-deg wax uga qabataan, iyada oo maareeyihii wakaaladda  waddooyinkuna joogo.”
 
Maareeyaha wakaalada horumarinta jidadka  Eng.  Xasan  Cali Cismaan ayaa waxa uu ka hadlay dedaalka ay ka galeen arrinta, waxaanu  yidhi “Hawshani waa mid si kedis ah noogu soo baxday, laakiin marka ugu horeysay  ee biyahaasi joogsadaan ayaanu wax ka qabanaynaa haddii aanu biyaha waddada ka leexin karnana waanu ka leexinaynaa,”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in hawsha ay halkaa ka wadaan aanay intan oo kaliya ku koobnaan doonin, hasa-yeeshee waxa kale ee waddada ka dhiman dhammaystirayaan.
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply