Xiisaha Ku Duugan Lammaane Noloshii Qarnigii 19aad Ku Nool!

0
466

Wargeyska Daily-mail ee dalkaย  Ingiriiska ayaa daabacay khamiistii, in lammaane dalkaasi u dhashay goosteen inay iska joojiyaan Telefoonkaย  gacanta iyo Internet-kaย  iyo wax kasta oo xidhiidh la leh nolosha casriga ah.
 
Lamaanahan oo kala ah Gabriel Cressman iyo Sarah ayaa isku deyay inay abuuraan duni gaar ah oo ka duwan tan Qarniga 21aad , iyagoo arrinkaasi bilaabay markii ay is guursadeen oo ahayd sannadkii 2002. Waxayna sheegeen inay rabaan inay u noolaadaan sidii casrigii boqoradii Victoria ee Ingiriiska.
 
Sarah oo daโ€™deedu 35 jirย  tahay ayaa sheegtayย  inay rabaan noloshii qarnigii 19aad. Qoyskan ayaa hadda degan guri la dhisay sannadkaasi 1881. Waxaana ay u bedeleen noloshii wakhtigaasi iyagoo laambada laydhka aan isticmaalin laakiin iftiinsada Faynuuskii Gaasta lagu isticmaali jiray. Qasaaladda dharka maydhana waxay ku bedesheen Sixniga dharka ee gacanta lagu maydhi jiray . Gabadhan ayaan xidhata Toob dheer maalintii oo dhan kaasi oo ah dirayskii dumarkii wakhtigaasi, halka ninkeeduna uu shaqadiisa uu adeegsado baaskiilad la isticmaali jiray qarnigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here