“Waad Buuran Tahay Ayuu Igu Furay”

0
307

Sida lagu daabacay wargeyska Women’s Health nin ayaa gabadhiisa furay isagoo ku eedeeyey inay aad u buuran tahay  oo aanay suurtogal ahayn inay sidaasi ku wada joogaan. Ms.Wreight Tarin oo ah gabadha la furay ayaa jawaab ficil ah u gudubisay ninkeedii iyadoo miisaankeeda si dhakhso ah u riday 45 kg, waxayna noqotay qof aad u dhuuban.
Ninkeedii hore ayaa aad ula yaabay  markii uu arkay  sida gabadhani markiiba isu dhuubtay, waxaana uu ka codsaday inay mar labaad isku noqdaan.  Laakiin Tarin ayaa sheegtay in aan arrinkaasi ahayn mid suuro-gal ah isla markaana ka diiday codsigiisa cusub.  Terin ayaa intaasi ku dartay “Haddii aan naaxo uu haddana i furayo. Aniguna waxay noqonaysaa inaan haddana jawaabo, waxayna tani keenaysaa inaan galo hawl aan dhammaad lahayn oo caqliga loo adeegsan.”

Leave a Reply