Maskaxda Eygu Waa Tan Ilmaha laba Jirka ah Oo Kale

0
326

Prof. John Pele oo takhasusay  cilmi nafsiga ayaa markii uu noqday hawl-gabka ku guulaystay inuu tababar siiyo Eygiisa. Prof.John ayaa Eygiisa oo 12 sanno jiray laguna magacaabo Shasar  ku baray 1022 kelmadood muddo 3 sanno ah.
Prof. John oo maalin kasta 5 saacadood ay ku qaadan jirtay inuu Eyga waxbarasho siiyo ayaa caddeeyay in toddobaadkii uu shan maalmood waxbarashada siin jiray.
Waxaana ololaha waxbarista Eyga ay keentay in muddo 5 bilood ah ku  barto 50 weedhood, taasi oo ka dhigtay Eyga maskax badan.
Buugga uu qoray John oo uu bixiyay “Shaser Eyga bartay kun kelmadood” ayuu si cad ugu muujiyay in tababarkaasi ahaa mid uu uu ku guulaystay. Eygan ayay adeegsadaan Kooxo Eyda ku shaqaysta, waxayna bixiyaan mushqaayad  uu mudan yahay in la siiyo.
Prof. John ayaa caddeeyay in maskaxda Eygu la mid tahay Maskaxda ilmaha yar ee laba sano jiray , sidaasi awgeedna ay tahay in marka aad waxbarayso aad ka qiyaas qaadato. Prof. John iyo eygiisa ayaa ka qayb galay barnaamijyo badan oo lagu soo bandhigay TV, kuwaasi oo ay qaarkood ka qayb gashay xaaska Obama ee Michel Obma.

Leave a Reply