Boqol Jir Maalintii 11 Saacadood Shaqaysa

0
351

Felimina Rotundo waa islaan Maraykan ah oo da’deedu gaadhay 100 sanno, oo haddana shaqada ay qabataa maalintii ay tahay 11 saacadood. Islaantan waxay shaqaysaa Dukaanka dharka maydha oo lagu magacaabo Shoppe College Laudary.
Islaantan ayaa shaqada dukaanka bilowday 6 subaxnimo iyadoo ka rawaxda 7 fiidnimo. Miss.Felinine oo dhalatay August sannadkii 1915 ayaaa sandguuradii boqolaad xustay bishii August ee in dhaaftay. Islaanta ayaa sheegtay inay shaqanaysay muddo 85 sanno, laakiin xaruntan Shoppe College Laudary ay shaqada ka haysay muddo 40 sanno ah. Felimina ayaa la sheegay in aanay ka cabnayna haba yaraatee wax xanuun iyo taws ah,  quwadda shaqadeeduna ay wakhtigan tahay mid taam ah. Meheradda ay k shaqayso oo ah College laundry Shoppe ee ku taalla Buffalo dalka Maraykanka ayaa iyana ku qanacsan shaqada ay qabato islaantani.

Leave a Reply