Komishanka Oo Ku Baaqay In La Fuliyo Xeer Nidaamiyeyaasha Doorashooyinka

0
326

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka  C/qaadir Iimaan Warame, ayaa ugu baaqay axsaabta inay ilaaliyaan xeerarka u yaala doorashooyinka ee ay dejiyeen baarlamaanku.
C/qaadir Iimaan ayaa sidan hadal uu shalay ka jeediyay kulan dood ahaa oo  lagu faaqiday   arrimaha doorashooyinka  iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha  oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kulankaasi oo ay ka soo qeyb galeen saraakiil ka kala socday saddexda xisbi qaran iyo Ururrada Bulshadda. ayaa ku dooday inay dejiyeen xeerar nidaamiyihii u dhaxayn lahaa komishanka doorashooyinka iyo axsaabta waxaana uu carabku dhuftay in loo baahan yahay in la fuliyo xeerarka doorashooyinka.
“Doorashooyinku waa shaqo aad u balaadhan, waa shaqo u baahan in gacmaha aynu  is qabsanno.Waa shaqo u baahan taxatirkeeda aqoonteeda wada jirkeeda iyo in la ilaaliyo xeer nidaamyeyaasha ay  doorashooyinku leeyihiin.  xeerar waynu dhiganay oo baarlamaanka jira iyo kii ka horeeyayba xeerar wanaagsan ayay ka tageen oo ay dejiyeen,  laakiin xeerarkii  ma lagu dhaqmaa ma la hirgaliyaa in la is weydiiyo ayaa muhiima,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinku. Waxaanu intaas ku daray
“Doorashooyinka iyo diiwaan-gelintuba waxa ay leeyihiin xeerar u gaar ah,  xeerarkaa haddii aan la fulin oo aan lagu fulin habka ay doorashadu u dhacayso wax badan ayaa innaga qaloocsamaya xeer nidaamyayaal ayaa jiray horena u dajisnaa haddana aanu dejinay doorasho kastana dejisan, waxa aanu diyaarinay xeer nidaamyayaashu naga dhaxayn lahaa annaga (Komishanka)  iyo xisbiyadda qaranka. Waxa kale oo aanu diyaarinay xeer nidaamyeyaashii  ka dhaxayn lahaa xisbiyadda dhexdooda iyo xeerkii ka dhaxayn lahaa  Komishanka doorashooyinka ururrada bulshadda. Waxaynu hadda galnay diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, taas oo u baahan in loo diyaar-garoobo, si aynu u galno Doorashooyinka oo Ku Xiga.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply