Guddoomiyaha UCID Oo Dhaliilay Goleyaasha Degaanka Iyo Wakiiladda

0
261

Hargaysa (Dawan):-  Guddoomiyaha  xisbiga  mucaaridka ah ee UCID   Eng.  Faysal Cali Waraabe, ayaa naqdiyay  hawlaha shaqo ee  golaha  Wakiiladda  Somaliland  iyo sidoo kale  goleyaasha degaanka ee   dalka.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay  in Golihii  hore ee Wakiiladda  ay ka tayo fiicnaayeen kuwan haddaa jooga.
 
Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay   hadal ka jeediyay   kulan lagaga hadlayay doorashooyinka  iyo diiwaan-gelinta ayaa tilmaamay in faraq weyni u dhexeeyo goleyaashii hore ee degaamadda iyo wakiiladda ee dalka soo maray,waxaanu  yidhi  “Annigoo  ka mid ah  dadkii bilaabay 2001 ururrada  siyaasadda dad badan ayaa ii yimid  oo yidhi  naga jooji aniguna  waxaan   arkayay inay yimaadeen laba dawladood oo qabaa’il ku dhisan markaa ay  qasab  ahayd in laga baxo haddii  aynu dib u eegno  golihii  Wakiiladda ee 2005 iyo golaha  Wakiiladda ee maanta,  waxaa  qurux badnaa kuwii 2005.Haddii aynu eegno golaha degaanka ee 2002 iyo kuwaynu dooranay 2012 kuwii hore ayaa ku qurux badnaa markaa waxa aynu nahay ummad  aan hore u wadin waxay  samayso.”
 
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay   in aan loo baahnayn in beelaha la tartan siiyo waxaanu yidhi  “Wax kasta haddii  aynu ku eegno  muraayad  qabiil oo  qabiilka la tartan siiyo,  oo siyaasiyiintu tartan siiyaan ama dhaqanku,  wixii way fool xumaanayaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply