Tima Jare Maalqabeen Noqday, Welina Shaqadiisa Wata!

0
635

Mr. Ramesh Babu oo ah maalqabeen Hindi ah ayaan ka tegin shaqadiisa asalka ahayd ee Tima jarka, taasi oo uu ka helay hantida badan ee uu ku noqday maalqabeenka.  Ninkan ayaa baabuurta raaxada ee uu leeyahay oo ah noocyada Rolls-Royce and BMW ku yimaadda xaruntiisa Tima jarka si uu ugu adeego macmiisha joogtada u ah.
Tima jarahan taajirka ah ayaa lagu qiyaasay hantidiisa 3.1 Billion Rubiga Hindiya ah. Wakhtigan wuxu shaqadiisa hore ku soo kordhiyay macrad gaadiidka lagu kireeyo taasi ayaa keentay in lagu naanayso Tima jaraha taajirka ah, isagoo dhigay gaadiida aad u badan. Macmiisha Mr. Ramesh Babu ayaa isugu jira siyaasiyiin, dad caan ah iyo bulsho caadi ah oo aad u badan.
Maalqabeenka ayaa maalin kasta meheradiis tima jarka ugu xiira macmiishiisa oo aad u jecel. Sababta maalqabeenkani uu uga tegi waayay shaqadan tima jarka ayaa la sheegay inay tahay  mid uu bilaabay isago 7 sano jir , wakhtgaasi oo u aabihii  dhintay, ayna ahayd meesha keliya ee uu kala soo baxo noloshiisa..
Sanadkii 1989, waxa uu niyadda ku hayay inuu yeesho gaadhiga Maruti Omni car. Isagoo xiligan noqday kan ugu taajirsan Hindiya ee ka gacansda kiraynta gaadiidkiisa xad dhaafka noqday.

Leave a Reply