Waxa Lagu Eryay Markii Uu Ka Badbaaday Geerida

0
307

Maseboumy Hosono oo u dhashay dalka Japan, isla markaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday markabkii weynaa ee Titanik, ayaa arintaasi kala kulmay dhibaato badan.
Mr. Hosono oo dalkiisa Japan ay ahayd in laga soo dhoweeyo maadaama uu ahaa ninka keliya ee u dhashay Japan ee la socday Markabkaas, ayaa loogu bedelay in laga eryo shaqadii uu ka hayay, iyagoo ku tilmaamay inu ahaa fulay aan la dhiman dadkii kale ee markabka ku weheliyay.
Ninkan ayaa ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda gaadiidka  ee dalka Japan, isagoo sanadkii 1910 safar ugu baxay dalka dibaddiisa. Laakiin markii uu doonay inu ku soo laabto dalkiisa ayuu soo raacay markabkii Titanki bishi April, sanakii 1912 , iyadoo dhowr maalmood ka dibna uu degay Markabkaasi weynaa, laakiin uu isagu ka mid ahaa kuwii badabaaday.
Wakhtigaasi saxaafadda dalkaasi aya daabacday  inay tahay inuu is dilo madaama ficilka uu  sameeyay yahay mid aad u xun.  Dadka Japan ayaa loo tusayay inuu yahay  fulay naftiisa oo keliya badbaadiyay halkii uu ka badbaadin lahaa dumarkii iyo caruurtii Markabka saarnaa.
Xukuumada ayaa shaqada ku celisay, waxaana uu dhintay sannadkii 1939, isagoo aan xidhiidh la lahayn qoyskiisa oo ay arinkaasi ku kala tegeen.

Leave a Reply