Badhasaabka Maroodijeex Oo Sheegay Inay Ruqsad Siiyeen Caaqilka Beesha Jaarso

0
351

Hargeysa(Dawan)-Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa ka hadlay Caaqil Jaarso ah oo dhawaan lagu caleemo saaray Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kaasi oo uu  dood ka keenay Sh. Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Sunne).
.Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare waxa uu arrinkan kaga hadlay kulan uu shalay la qaatay cuqaasha gobolka marroodi-Jeex, waxaanu faahfaahin ka bixiyay shaki iyo muran faro badan oo ka dhashay Caaqilkan dhawaan lagu caleemo saaray magaalada Hargeysa.
“Caaqil Jaarso ah ayaa dhawayd  halkan gobolka lagu caleemo saaray, siyaabo badan baa looga hadlay oo waxaad moodaa in khalad faro badan laga fahmay ,Jaarsadu maaha dad reer Somaliland ah, qolyaha siyaasadaynayay waxaan leeyahay waa niman reer Itoobiya ah, laakiin halkeenan jooga, markaa qofka Jaarso ah ee halkeenan jooga marka ay dhibaato gaadho, tusaale ahaan  gaadhi halkaasi ordaya qof Jaarsa ah haddii uu jiidho, caaqil baa magtii qofkaasi ku waajibaysaa ,caaqilkiinna waa inuu hela cid uu la xaajo qaato oo qofka magtiisii uu kala hadlo,”Ayuu yidhi Badhasaabka Maroodi-jeex.
 
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu sheegay inay siiyeen ruqsada caaqilnimo waxaanu yidhi “Jaarso waa ummad wadanka innala joogta markaa annagu waxaanu ogolaanay inay masuul yeeshaan caaqilku Somaliland Caaqil uma aha , ee Jaarsuu u yahay Caaqil. maadama ay dadkiisii deegaankii innala joogaan, halkanna ay ka sii xag jirto oo ay caasimadii tahay, oo ay yihiin dadka ugu badan  reer Somaliland aan aheyn ee halkan innagula nool ee shaqooyinka hoose haya, waxaa dhaca shilal badan oo shaqsiyaad Jaarso ah baa magaalada dhibaato ka geysta, markaa si loo helo masuulkii lagala xaali laaha waa in loo helaa masuul xaliya arrimihiisa.”
“Markaa waa wax in badan ina soo maray, dadkana fikirka khaldan ee laga dhaadhiciyay waxaanu leenahay waxaasi ma jiraan, qolyaha mucaaridkana duruufo siyaasadeed oo jahawareera baa haya, khaladaad ayay doonayaan inay dadka wax ugu sheegaan, iyagana waxaan leenahay waar meelo kale oo ka waa weyn bahasha ka daydaya,caaqilkan ha ka daydayinee,”ayuu ku dooday badhasaabku.
Badhasaabku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Waa dadka ku nool dawladahaa aynu jaarka nahay, annagana  u ogolaanay inay masuul yeeshaan, marka dhib loo geysto iyo markay geystaan ilayn waa ummad wadanka innagula nool oo wadanka innala joogtee waa in la hela masuul lagala xisaabtamo.”
Sidoo kale badhasaabku waxa uu amaan u jeediyay cuqaasha gobolka Maroodijeex isaga oo ku amaanay sida wanaagsan ee ay hawlahooda u gudanayaan waxaanu yidhi “Cuqaasha aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynaynaa sida wanaagsan ee ay ugu shaqaynayaan shicibkooda, ugu shaqaynayaan dawladooda, maantana shirkayagan nuxurkiisu waxaa uu ahaa sidii loo dardar galin lahaa nabadgaliyada.”
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu ILLAAHAY ka baryay roobab iyo raxmaad, waxaanu yidhi “Roob la,aanta wadank ka jirtana Illaahay ha innaga soo furto oo Ilaahay madar khayr qaba hayna siiyo ,oo barwaaqo ah.”
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply