Wasiirka Caafimaadka Oo Dhagax Dhigay Cisbitaalka Ugu Weyn Barriga Afrika Oo Laga Hirgelinayo Toon

0
314

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toose) iyo wefti ka socday dalka Ingiriiska oo uu waheliyo Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa shalay dhagax dhigay cisbitaal iyo jaamacad lagu baran doono culuumta Caafimaadka.
Cisbitaalkan oo laga binaynayo deegaanka Toon ee magaalada Hargeysa ayaa noqonaya Dhakhtarka ugu weyn barriga iyo badhtamaha qaarada Afrika, waxaana hirgelinta dhismihiisa Somaliland ka  caawiyay oo maal-geliyay dalka Ingiriiska.
Munaasibad loogu tallo-galay dhagax-dhiga dhismahan ayaa shalay lagu qabtay deegaanka Toon ee koonfurta magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay xafladaasi wefti ka socda shirkada dhisaysa Cisbitaalka oo ah shirkad Ingiriis ah, Salaadiin, Cuqaal, waxgarad, dadweynaha deegaankaasi iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda maafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mashruuc weyn oo qaran ahaan Somaliland baahi weyn u qabtay.
“Waxaa farxad weyn noo ah in aanu maanta dhagax dhigno cisbitaalka ugu weyn barriga iyo badhtamaha Afrika, oo ay hirgelinayaan weftigan Ingiriika ah, waanu soo dhawaynaynaa wasaarad ahaan, waana kala shaqaynaynaa sidii uu u hirgeli lahaa, waa mashruuc ballaadhan wakhti ayayna qaadanaysaa hirgelintiisu, wasaarada caafimaadkana waxaa ka go’an in ay dhiri geliso oo ay soo dhawayso cid kasta oo  doonaysa in ay wax ka qabato adeegyada caafimaadka Somaland,”ayuu yidhi Dr. Saleebaan Xaglatoosiye.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa isaguna hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in cisbitaalkani yahay mid wax weyn ka tari doona adeegyadda Caafimaad ee Somaliland, waxaanu yidhi “Halkan aynu joognaa waa Toon, waxa weeye dhagax-dhigaa uu Wasiirka caafimaadku dhaxag-dhigay Cisbitaalka ugu weyn barriga iyo badhtamaha Afrika, wasiirka Xaglo-toosiyena waxaan leeyahay ILLAAHAY ha kugu guuleeye hankaaga siyaasadeed.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply