WADDANI Oo Meeqaam Hoose Ku Soo Dhaweeyay Dr. Maxamed Cali Oo Ka Mid Ah Murrashaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaa Dhexdiisa

0
283

Hargeysa (Dawan)- Dr.Maxamed Cali  oo ka mid ah murrashaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga WADDANI, ayaa shalay  Hargeysa   lagu soo dhaweeyay, ka dib markii uu ka soo kicitimay dalka Ingiriiska oo uu degan yahay, waxase soo dhaweyntiisii ka maquurtay Hoggaanka WADDANI  oo dhan sida Guddoomiyaha, Shanta  Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud ee xisbigaasi oo aan gabi ahaan-ba ka soo xaadirin soo dhaweyntii Murrashaxan.
Murrashax Dr. Maxamed Cali oo ah siyaasi ku cusub miidaanka siyaasadda Somaliland, hase yeeshee la weriyay inuu danjire Soomaaliya uga ahaan jiray dalalka Biljam iyo Holland, ayaa madaarka Hargeysa xisbigiisu shalay- subax  ugu soo dhaweeyay meeqaam hoose, iyadoo aanay soo dhaweyntiisa ay ka maqnaayeen Hoggaanka xisbiga iyo xubnaha caanka ah ee   Guddida fulinta. Hase yeeshee waxa soo dhaweeyay  oo u camiray xisbi-yahanno badan oo ka tirsan WADDANI, kuwaasi oo xilalkooda ay ugu sarreeyeen  Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Maamulka gobol ee gobolka Maroodi-jeex.
 
Dr. Maxamed Cali, waxa uu sheegay inuu ka dhex tartami doono  shirka Golaha dhexe ee lagu wado bilowga sannadka  2016-ka uu ka qabsoomo Hargeysa, waxaanu ku dooday inuu Murrashaxnimadiisa madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI  uu iclaamiyay sannadkii 2013-kii,imikana uu dalka u yimid sidii uu hawlaha xisbiga uga qeyb-qaadan lahaa.
Maxamed Cali oo ka hadlayay qadiyadiisa murrashaxnimo waxa uu yidhi “Waxay ahayd 2013-kii markii aniga oo Ingiriiska joogga aan shaaciyey in aan u tartamayo murrashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, maantana hankii ayaa igu jira, waxaanan diyaar u ahay in aan u tartamo jagada murrashaxa madaxweyne xigeenka  ee xisbiga WADDANI. Waxaana aan cod dheer ku leeyahay jagadaas ayaan diyaar u ahay una taaganahay in aan u tartamo, damacaygaasina waxa uu yahay mid aan ku doonayo in aan kaga qeyb-qaato horumarka dalka. nimanka kale ee saaxiibaday iyo walaalahayba ah ee haddii damaca ay yeeshaan waan soo dhaweynayaa.”
“Waxaan aan leeyahay miidaanku waa waasac ee aynu galno tartan xor ah oo xalaal, midkii laga guulaystaana midk kale ha taageero uun, xisbiguna waa uu furan yahay oo waa la tartamayaa. Haddii ay ii daayaan oo ay odayga aan u dayno ay yidhaahdaanna waan u mahad-celinayaa,”Ayuu yidhi Murrashaxaasi.
Murrashaxan waxa kale oo ka mid ahaa masuuliyiintii dhabarka u soo jeedisay  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo ay  gobolka Awdal ka soo wada jeedaan isla markaana u taagan isna inuu noqdo murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI.
Xogo aan la xaqiijinin, ayaa daboolka ka qaaday in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu doonayo in murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI la siiyo Maxamed Cali oo ay rafiiq ahaayeen muddo dheer isla markaana uu u arko inuu xisbiga u soo jiidi karo cod iyo taageereyaal ka badan inta uu tahli karo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Axmed Muumin Seed oo ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga WADDANI, hase yeeshee waxa la saadaalin karaa oo kaliya in tartanka shirka Golaha dhexe ee WADDANI uu isna noqon doono mid kulul oo xisbigaasi ku keeni kjara inuu kala furfurmo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply