Kalluunku Wuxuu Dheereeyaa Cimriga Dadka

0
314

Khubaro u dhalatay wadanka Maraykanka ayaa daraasad ay dhowaan soo saareen waxay ku sheegen in kaluunka oo la isticmaalo hilibkiisu ay dheerayso Cimriga dadka ama bani’aadmiga.
Khubaradan ayaa sheegay in hilibkaasi ay dhici karto inuu da’da qofka ku daro ugu yaraan laba sanno oo cimrigiisa ah,waxa kale oo ay intaasi raaciyeen in kaluunkaasi uu faa’ido badan u lee yahay nafaqada jidhka bani’aadmiga.
Khubaradan ayaa intii ay daraasadan wadeen waxay tijaabo ku sameeyeen dad gaadhaaya ilaa 3000 oo qof,kuwaas oo da’doodu kala duwanayd,waxaanay da’ahaan u dhaxeeyeen 16 sanno ilaa 50 sanno.
Khubaradan ayaa daraasadan wadey muddo laba sanno ah ,iyaga oo eegaayey dadkii ay tijaabadu ku socotay inta ka dhimatay iyo inta aan ka dhiman,iyaga oo u kala qaybiyey kuwo cuna hilibkaasi kaluunka iyo kuwo kale oo aan cunin.
Kooxahan tijaabada lagu samaynaayey ayaa qaar badan oo kamid ahi qabeen xanuuno kala duwan,kuwaas oo  marwalba la eegi jiray xaaladooda caafimaad,sidoo kalena la baadhaayey cuntooyinka ay cunaan.
Dadkaasi xanuunada qabey ayay dhimashadoodii sheegeen inuu yareeyey hilibkaasi kaluunku,iyada oo dhimashadu hoos u dhacday 30% dadkaasi kamid ah.
Khubaradan ayaa sheegay inay bilaabayaan tijaabo kale oo ay ku samaynayaan dad da’ahaan kuwan iminka ka yar yar oo ay iyagana natijada soo bixi doonta ku la dhi doonaan.
 
 
 

Leave a Reply