Shaqadii Ayaa Looga Eryay Xaradhka Gacamaheeda!

0
283

Gabadh Ingiriis ah ayaa laga eryay shaqadii nusa saac ka dib markii ay shirkadu aragtay in gacmaheedu ay xaradh leeyihiin iyadoo marisay muuqaalo dawooyin ah. Shirkadda ayaa sheegtay in khadiibkani uu dhibayo macmiisha qaarkood halka kuwa kale laga yaabo in ay ku xadgudbaan shaqaalaha.
 
Gabadhan oo lagu magacaabo Cleira Sheifrad oo 27 sano jir ah ayaa shirkada ka heshay shaqada kaaliya iib. Madaxda shirkadda markii ay ogaadeen in khadiib aan la qarin Karin ay ku leedahay gacanta taasi oo ka hor imanaysa siyaasadda shirkadda ayay shaqadii ka eryeen. Gabadhan oo aad uga xumaatay shaqadaasi ayaa barteeda facebook ku qortay : “ Maanta waxaan helay shaqo, laakiin waxa la iga eryay nusa saac ka dib”.  Waxayna intaasi ku dartay inay kulankii ay la yeelatay madaxda shirkaad uu ahaa mid wanaagsan , waxaana emailkaygi la igu soo gudbiyay shuruucda shirkada oo aan raali ka wada noqday.
 
Dad badan oo akhriyay fariiinteeda ayaa shirkaada ka codsaday inay  mar kale shaqada ku celiso gabadhan laakiin taasi may dhicin, shirkaduna waxay ku adkaysatay inay arintani keeni karto jariimo waayo waxa jira dad badan oo aad u neceb calaamadaha iyo khadiibka jidhka la marsado. Siyaasada shirkaada ayaa ah in qofku uu noqdo mid caadiya oo aan muuqalkiisu keenayn khilaaf  iyo in denbi dhaco.

Leave a Reply