Cali Guray Oo Sheegay Inay Jiraan Fursaddo Xisbiga UCID Laga Badbaadin Karo Burbur

0
308

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyeku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf  (Cali Guray),ayaa qiray in Xisbigoodu qarka u saaran yanay in uu burburo   taasoo uu sabab uga dhigay khilaaf weyn oo ka dhex jira Xisbiga gudihiisa gaar ahaan hoggaanka sare.
Cali Guray waxaa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facbook-ga  ka dib is casilaaddii Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku dhawaaqay in uu iska casilay musharaxnimadii xisbiga uu ugu tartamayay Madaxweyne ku-xigeenka isla markaana  kaba baxay xubinninadii Xisbiga taasoo uu sabab uga dhigay burbur Xisbiga  ku soo fool leh oo uu tllmaamay in uu sabab u yahay Guddoomiye Faysal.
Cali Guray ayaa qoraalkiisa uu arrinta Xisbigooda kaga  hadlay ku bilaabay sidan
“Anigu cudurka fardaha gala kama gubo dameeraha. UCID waa run oo khilaaf gudihiisa ah ayaa jira haddana jinkii galay ayaa galay oo kaarinaya.
Khilaafka UCID si marka loo eego wuu sahlan yahay waayo  waxa uu ku kooban yahay Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID. Faysal gudoomiyaha waxa ka dhigay Xeerka UCID halka uu Jamaalna ka dhigay Musharaxa Madaxwaynaha.
Aniga iyo inta ugu tirada badan masuuliyiinta UCID ma kala raacsanin shakhsiyaad balse waxaanu heshiis ku nahay in aanu si wada jir ah u difaacno sharciyadda xisbiga iyo danta higsigiisa ah inuu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland.
Haddaba anigu waan qabaa in UCID uu heli karo fursad uu ku gaadhi karo higsigiisa balse marka hore waxa khasab ah in hogaanka xisbiga iyo kaadariintiisuba ay u midaysan yihiin danta xisbiga kana hor mariyaan danaha ay gaar gaarka u kala leeyihiin kana gaashaantaan faro-gelinta.Waayo dee hore  Soomaalidu u tidhi: GUDIN YAHAY HADDII AAN BADHKAY KUGU JIRIN IMAAD GOYSEEN.
Haddaba,  waxa jira dad khilaafka UCID ee soo jireenka ah buunbuuniya oo ka rara UCID oo weliba dhaafiya Somaliland oo dhan kana dhiga khilaaf laga wado dhinaca Dawladda Djibouti si ay u sii murgiyaan khilaafka murugsan ee UCID dawadiisana u sii fogeeyaan. Qaarkood waxay iska dhigaan inay UCID u hiilinayaan laakiin runtii way ka hiilinayaan. Anigu waan ka soo horjeedaa kuwaa ku tidhi ku teenka iyo wax aanay caddayn karin ee weliba cayda iyo af legaadada ugu geysta madaxda Jabuuti. waxaanan leeyahay waryaa Ha I Dhaafinin Aaga Intaan Ku Dhashee. Dawada khilaafka UCID waxa haya UCID cid kalena kagama xidhna.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply