Gurigooda looxa Ah Ayay Miishaar Ku Qaybsadeen!

0
273

Lamaane u dhashay dalka Cambodiya ayaa gurigooda looxa ka samaysan kala qaybsaday, iyagoo miishaar loogu kala jeexay ka dib markii ay  is fureen iyagoo wada noolaa muddo dhan 40 sano. Qoyskan oo muran adagi dhex maray ayuu mid kastaa dhinc  jagadooda ka mid ah ka dhistay qaybtiisa.  Lamaanahan ayaa dhulkii ay lahaayeen u qaybiyay afar meelood iyagoo laba qaybood kala qaatay , labads kalena uga tegay caruurtooda . Dalka Cambodiya ayaa la sheegay in furiinku uu marayo heerka ugu sareeya. Islaanta qoyska oo lagu magacaabo Reema ayaa abuurtay arinka kala tagga, ka dib markii ay ninkeeda ku dhaleecaysay in aanu ahayn mid naxariis leh oo dayacay , ka dib markii uu iman waayay markii ay dhowaan bukootay.
Masuul deegaanka u hadlayay ayaa cadeeyay inay isku dayeen inay lamaanahan ku qanciyaan inay sii wada joogaan laakiin aanay ka aqbalin. Xaakinka maxkamadda Cambodiya ayaa isna saxaafadda u sheegay in kala qaybsashada guriga ay tahay arrin qanuuni ah haddii labada dhinac isku waafaqaan.

Leave a Reply