Xukuumadda Oo Sheegtay In Rugta Ganacsiga Iyo Dawladaha Hoose Ka Gaabiyeen Dhaqan-gelinta Wareegtaddii Lagu Mamnuucay Isticmaalka Bacaha

0
586

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre, ayaa ka hadashay waxyaabaha hortaagan digreetadii madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay isticmaalka bacaha  lagu dukaamaysto oo aan wali si rasmi ah u dhaqan gelin.
Wasiir Shugri oo shalay u waramaysay wargeyska DAWAN, ayaa  sheegtay in rugta ganacsiga iyo dawladaha hoose ee Somaliland ay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen xoojinta amarka joojinta bacahaa isla markaana aanay xil iska saarin sidii ay ula dagaalami lahaayeen bacaha dibada laga soo waarido.
“Madaxweynuhu waxa uu u soo saaray digreetadan in wax laga qabto isticmaalka bacaha oo lagu joojiyo, dadka ganacsatada ah waanu u yeedhnay, waxaanu farnay farriimo iyo digniino culus in qofkii bacda lagu qabto in sharciga lala tiigsanayo, muddana waa la siiyay in ganacsatadu keento wixii lagu  bedalayay, dad badan ayaa ka jawaabay oo keenay wixii lagu bedalayay bacda oo ay dadkii isticmaalaan, Ganacsatadda muddo ayaa la siiyay markii la mamnuucay isticmaalka bacaha, balse baco  kale ayay dalka soo galiyeen. Ganacsatadu waxa kale oo  ay ku doodeen in wakhti kale la siiyo, ilaa maantana waa taa la isticmaalayo,”ayay tidhi Wasiirka deegaanku.
 
Marwo Shugri waxa ay tilmaantay in rugta ganacsigu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd joojinta isticmaalka bacda waxaanay tidhi  “Waxaana markii hore nala riixayay in wakhti la siiyo ganacsatadda rugta ganacsiga, iyaga ayaa Berbera taagnaa, maantana waxa loo baahan yahay in rugta ganacsigu inay nala hawl-galaan oo kaalintoodii ka soo baxaan oo ganacsatada keenaya bacaha  qaladkooda ka qabtaan oo xooga saaraan ayaa loo baahan yahay.”
“Ganacsatadu waxa ay ka fikirayaan jeebkooda waxa galaya ee kama fikirayaan dhibaatada ay bacdu leedahay, way qaali garowday, sababtu waxa weeye qarsoodiga ay dalka ku soo galayso,”ayay Wasiir Shugri ku dooday.
Marwo Shurgri waxa kale oo ay sheegtay in dawladaha hoose ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadka soo dejinaya bacaha waxaanay tidhi “Dawladaha hoose waxa ay ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadkan bacda keenaya,  weli bacdii ayaa soconaysa, dawladaha hoose qudhooduna,  Hargeysa oo kale waxa laga yaabaa in askartu ku yar tahay, markaa waxa aanu ku heshiinay in askarta ciidanka qaranku kala shaqeeyaan arrintan oo booliska la kordhiyo oo la qaado olole is daba joog ah oo lagu joojinayo bacaha oo  ganaax badan la saaro, markaasaa dadku damqanayaan oo ganacsatadu keenaysaa wixii lagaga maarmayay bacda.”
“Waxaanad moodaa in shacabku aanay ka fikirayn caafimaadkooda iyo noloshooda qofku marku wali bacdii wax ku ridayo ee deegaankii kharibaysa, waxaan aan leeyahay ninka bakhaarkiisa lagu qabto iyadoo baci taalo waxa aan taaganahay bakhaarka ha laga xidho oo bil ha xidhnaado, markaas ayuu arkayaa dhibka oo dhaqan gelinayaa amarka dawladda,” ayay tidhi Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Wasiirka deegaanka oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi  “Qofka suuqa la maraya  ee sita bacda waa in ganaax ay mutaystaan, in laga gaabiyona maaha, dekeda Berbera waa laga joojiyay in bacdu ka soo degto saddexdii koontiinar ee ugu dambeeyay ee ganacsatadda loo sii daayay kuwii ayaa kollay suuqa soo galay oo way dhammaan lahayde waa  in la baadho gawaadhida  ka imanaya Puntland iyo kuwa ka imanaya dalalka kale ee aynu jaarka nahay oo kuwa Berbera ka soo galaya dib loo eego oo la baadho.”
Wasiirku  waxa kale oo ay sheegtay in wasaarada maaliyadu xil iska saartay in aanay  bacdu dalka soo galin waxaaanay tidhi “Wasaarada maaliyadu xil ayay iska saartay in aanay bacdu dalka soo gelin oo la joojiyo.”
By:Khadar  M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply