Tunisia oo xaalad degdeg ah la galiyay

0
333

Maamulayaasha Tunisia ayaa ku dhawaaqay 30 maalmood oo dalku ku jirayo xaalad degdeg ah, kaddib weerar lagu qaaday bas ay saarnaayeen xubno ka tirsan ilaalada madaxweynaha, bartamaha Tunis.

Qaraxa oo dhacay xilli aad loo degdegayey oo saxmadi jirtay ayaa waxaa ku dhintay 12 ka tirsan askarta, ayadoo 17na ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa la aaminsan ayahay in uu ahaa bambaane.
Weerarkan ka dhacay bartamaha caasimadda Tunisia ayaa ah kii saddexaad ee ugu dhiig daadashada badnaa sanadkan.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob loo asteeyay gawaarida qaada ciidammada ilaaliya madaxweynaha.
Madaxweynaha Tunisia oo shacabkiisa telefishinka kala hadlay ayaa sheegay in dalkiisa uu dagaal kula jiro wax uu ugu yeeray argagixiso.
Waxa uu caalamka ugu baaqay in ay gacan weyn ka geystaa sidii khatartaasi wax looga qaban lahaa.
Tunisia ayaa hadda dib usoo rogtay xaaladda degdeg ah, oo uu bandowga ka mid yahay.
Xaalad noocaasi ah ayaa bishii July dalkaasi looga dhawaaqay, kaddib weerarkii ka dhacay magaalada Sousse, ee ay ku dhinteen 38 dalxiisayaal ah. Balse waxaa la qaaday horaantii bishii October.

Leave a Reply