Lahaystayaashii France oo la badbaadiyay

0
293

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in booliska dalkaasi ay soo badbaadiyeen dhammaan dadkii Talaaddadii lagu qafaashay magaalada ku taalla waqooyiga dalkaasi ee Roubaix.

Dacwad ooge Frederic Fevre ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii afduubka sameeyay halkaasi lagu dilay, mid kalana la qabtay, halka dhowr kalana ay baxsadeen.
Booliska ayaa sheegay in dhacdada aanay wax xiriir ah la lahayn weerarradii Paris ka dhacay bishii hore.

Leave a Reply