Wasiirro Booqday Xarunta Daryeelka Caruurta Maxamad Mooge Ee Hargeysa

0
289

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland  Cali Maxamad (Cali Sandulle) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer hawleed ku tagay xarunta daryeelka iyo  dhaqan celinta caruurta ee xaafada Maxamad Mooge ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Cabdi Daahir Cammuud, wasiiru-dawlaha wasaarada khayraadka Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, wasiir ku xigeenka wasaaradda Caddaalada iyo maayar ku xigeenka caasimada Cabdicasiis Caga-wayne, ayaa halkaasi kulan dhiiri gelin ah kula qaatay caruurta xaruntaasi ku jirtay si ay u dhisaan niyadooda, iyaga oo halkaasi kula wadaagay raashinkii ay cunayeen.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cali Maxamad Axmed (Cali Sandulle) oo isagu ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay siyaasada xukuumada eek u wajahan mustaqbalka Caruurta,  waxaanu yidhi “Waxaan  u mahadnaqayaa wasiirada halkan jooga ee isa soo xilqaamay, codsigii aanu u dhiibanayna soo ajiibay.”
Cali Sandulle, waxa kale oo uu yidhi “Dhalinyarrada halkan ku jirta aad iyo aad baan iyagana ugu mahadcelinaynaa, balan-qaadadoodii waynu haynaa, waxaynu leenahay ciddi uma maqna ceelna uma qodna ee aan u dedaalo kuligeen-ba, dawladda hoose iyo waxay qabtaana waanu uga mahad-celinaynaa wixii u dhimana waan ka sugaynaa. waxaan u mahadnaqayaa oo dhistay dayrka iyo xarunta shirkadaha Dahabshiil, Telesom, iyo Hay’adda UNHCR.”
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo isagun halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ballan qaaday in uu Xaruntan u gunnaynaayo afarta macalin ee bilaa mushaharka ka ah ee ardaydan wax u dhigta, waxaanu yidhi  “Waxaanu Wasiir kuu balan qaadaynaa inaanu mushaharada kuugu bilowno, afarta macalin ee ka hawl-gala xaruntan, ee mudada tuburuca ugu shaqaynayay. waayo masuuliyad gaar ah baa naga saaran waxa kale oo aanu kugu balan-qadaynaa in aanu uga raadino miisaaniyadayada, oo qolalka wixii la kordhin karo ee aad u baahan tahay aanu isku dayno sidii aanu iyada lafteedana wax uga qaban laheyn.”
 
Wasiiru-dawlaha wasaarada khayraadka Biyaha Somaliland Mahdi Cismaan Buuri oo isaguna halkaasi ka hadlay  ayaa gabi ahaanba bulshadda Somaliland ugu baaqay in wax loo qabto dhalinta madashan lagu daryeelayo oo aan haysan biyo ku filan, waxaanu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaanba Hay’addaha, wasaaradaha iyo tijaarta in ay gacan weyn ka geystaan, meeshan, raggii iyo hablihii mustaqbalka barito ay ka soo baxayaan, qaar kalana ay iman doonaan, markaa waxa weeyaan ceelna uma qodna cidna uma maqna aan inNaga aheyni,”
“Runtii aBnaga ka wasaarad biyo ahaan, meeshan biyo kama dhowa laakiin waxaanu naawilaynaa inaanu soo dirno ciidan sahamin ku sameeya meel ay biyo ka dhow yihiin si aanu ugu gelino riig oo biyo loogu helo caruurta yar yar ee madashan lagu xanaanaynaayo ee lagu daryeelaayo,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay  wasiiru-dawlaha wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Mahdi Cismaan Buuri.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply