Dad lagu qabqabtay Belgium

0
324

Booliska Belgium ayaa xalay xirxiray 16 qof kaddib hawlgal ay ka sameeyeen magaalooyinka Brussels iyo Charleroi, kuwaasoo lala xiriirinayo feejignaanata dalka la geliyey.

Balse waxa aan weli la helin Salax Cabdilsalam, oo ah ninka lagu tuhunsan yahay weerarradii ka dhacay Paris, kaasoo la rumaysan yahay inuu ku dhuumaalaysanayo Belgium.
Sidoo kale ma jirin hub ama waxyaabaha qarxa oo hawlgalkaas lagu soo qabtay.
Dhinaca kalena, ra’iisul wasaaraha Belgium ,Charles Michel, ayaa xaqiijiyey in heerka feejignaanta ee magaalada Brussels uu sii ahaan doono mid aad u sarreeya, ayadoo sababtuna tahay khatar aan la dhayalsan karin oo sii socota oo muujinaysa inay dhici karaan tiro weerarro ah oo ay kooxo islaamiyiin ah qaadaan, kuwaasoo daba socda weerarradii Paris.
Mr Michel wuxuu sheegay in iskuullada iyo tareennada dhulka hoos mara ee Brussels ay xirnaan doonaan maanta oo Isniin ah, ayadoo heerka feejignaantuna uu sii ahaan doono heerka ugu sarreeya.
Wuxuu sheegay in Belgium inteeda kale ay feejignaantu ahaan doonto darajada seddexaad, taasoo micnaheedu yahay in khatartu tahay mid suurtogal ah oo dhici karta.

Leave a Reply