Faysal Cali Waraabe Oo U Quus-gooyay Jamaal Cali Xuseen, Caddeeyayna In Jagooyinka Musharaxiinta UCID Lagu Tartami Doono

0
382

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa caddeeyay in xisbiga gudihiisa lagu tartami doono jagooyinka Musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga uga qayb gali doona tartanka doorashooyinka soo socda ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan 2017.ka.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay  Warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa ugu horrayn ka war bixiyay socdaal uu ku tegayo dalka Angola iyo shir uu kaga qayb gelayo.
“Maanta (shalay),waxaan u dhoofayaa dalka Angola oo aan kaga qayb galayo shir caalami ah oo aanu goob jooge ka nahay  shirkaasoo ah shirka xisbiyada afrika ee sannadkan waxaa marti gelinaya oo gogosha dhigay xisbigii u soo halgamay xorriyadda dalka Angola markaa shirkaas oo caalami ah oo aanu goob jooge ka nahay in aanu xubin buuxda ka noqonona aanu sugayno yaan u dhoofayaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Waxaa kale oo  uu jawaab ka bixiyay hadal hayn maalmihii ugu dambeeyay ku soo noq noqonaya dhegaha bulshadda oo uu ku tilmaamay  mid xaqiiqada ka fog oo shaqsiyaddiisa wax loogu dhimayo, waxaanu yidhi “Horta marka la leeyahay Faysal Xisbiga ayuu  iibinayaa  taasi  waa gef iyo meel ka dhac waxaana lagu dhaawacayaa sharaftayda,waxa la kala iibsadaa Kambaniyada, UCID-na Kambani maaha ee waa Xisbi qaran,markaa sharaftayda yaan meel  lagaga dhicin oo aan la is aflagaadayn.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay Guddoomiyuhu jagooyinka musharraxiinta xisbiga oo uu caddeeyay in xisbiga dhexdiisa looga tartami doono  oo aanay cidna gaar ugu xidhnayn. Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga jagooyinkiisa waa loo tartamayaa cid gaar ah oo loo xidhay in ay musharrax ka tahayna  ma jirto, Jamaal waa musharax C/rashiidna wuu iska tegay illaa imika ma ogi cid kale oo sheegtay in ay u tartamayso musharraxnimada xisbiga Jamaal ayaana wali kalidii u taagan laakiin cid kasta oo xisbiga ah tartanku wuu u furan yahay Jamaalna waa lala Tartamayaa  kelidii wax loo xidhayna ma jirto.”
Faysal oo  ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in uu ku jiro musharraxiinta aanu magacaabin ee xisbiga ka dhex tartami doona iyo in kale ayaa yidhi. “Aniga yaa ii diiday in aan tartamo ma aayad  gaar ah ayaa igu soo degtay oo odhaynaysa Faysal isma sharixi karo, inkasta oo aanan anigu odhan waan sharaxanahay,  haddana, wax ii diidayaana  ma jiro. sharci odhanaya Faysal isma sharixi kara na ma yaallo, waxaanan u malaynayaa kuwa hadalkaa lihi waa qaar iga baqaya oo og haddii aan ku soo baxo in aan ka qaadayo, xisbiguna wuu tashanayaa.”
Mar uu ka jawaabayay eedo  uu u jeediyay Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan iska casilay jagada musharraxnimada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID isla markaana sheegay in uu ka baxay gabi ahaanba Xisbiga UCID kuna sababeeyay burburin uu xisbiga ku hayo, waxase uu kaga jawaabay  “Horta waxaa is weydiin leh ma  ninka noo yimi ee martida noo ahaa ayaa Xisbiga burburinaya mise ninkayga 15 sanno soo dhisayay, Cabdirashiid wuu noo yimi marti ayuu noo ahaa isagaa imikana iska tegay abnaguna Salaatu shugri ayaanu tukanay markii uu naga tegay waxna muu tarayn ee ha iska tago.”
Ugu dambayn waxaa uu  ka hadlay shirka la sheegay in dawladda Turkigu u qabanayso Madaxdhaqameedka Somaliland iyo Soomaaliya taasoo uu  sheegay in ay tahay mid aanay waxba ka jirin oo aan dhici karin waxaanu ugu dambayn ku taliyay in wixii arrimaha dibadda ku saabsan ee qaranimada Somaliland khuseeya in  loo  daba fadhiisto. “Turkiga way jiraan waxyaabo badan oo aanu  ka tirsanayno qaran ahaan laakiin Arrimaha waa la kala leeyahay wixii dibadda ahna waxaa innoo qaabilsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.waana in loo daayo oo aanay cid waliba meel ka hadal oo aanay waxay doonto iska odhan,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply