Music-ga Oo La Ogaaday Inuu Waxyeelo Dhegaha Iyo Indhahaba

0
276

Khubaro dhinaca caafimaadka ah oo ka kala socotay jaamacaddo kala duwan ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku sheegay in music-ga oo dhegaysigiisa la badsadaa ay waxyeelo weyn soo gaadhsiiso Indhaha iyo dhegaha dadka.
kooxdan cilmi baadheyaasha ah oo ka kala socday jaamacaddaha Wadanka Austria ayaa muddo dheer soo waday daraasadan,iyaga oo arkay arday badan oo cabasho ka muujinaayey dhegaha iyo indhaha .
khubaradan ayaa sheegay in qofka oo xoog u dhegaysta Music-gu ay keento inay kacaan xididada ka yimaada qadaadka madaxa ee yimaada indhaha,kuwaas oo qaabilsan araga ,dareenkana geeya maskaxda iyo dhegaha labadaba.
kooxdan Saynisyahanada ah ayaa sameeyey tijaabooyin ay u isticmaaleen qalab kala duwan oo ay dadkaasi dhegaha u geliyeen,waxaanay marwalba qiyaasayeen heerka ay joogaan sameecadaha ay dhegaysanayaan,sidoo kalena waxay tijaabo ku eegayeen hirarka jabaqda ee ay samaynayaan codkaasi.
khubaradan ayaa tijaabadan ku sheegay in laba saamaynood uu Music-gu  lee yahay dadkana u keeno,kuwaas oo kala ah ,dhibaato uu keeno codka dheer ee dadku dhegaystaan iyo sidoo kale mid kale oo ah sameecadda qofka oo ay waxyeelo u geystaan sameecaddaha dhegaysiga oo qofku bila buush ku isticmaalo.

Leave a Reply