“Gobollada Kale Waxaanu Ugu Tagi Jirnay Qabyaalad Weyd Ah, Laakiin Ceerigaabo Waxaanu Ugu Nimi Mid Naaxday”

0
293

Ceerigaabo (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Waran-cadde ayaa u soo jeediyay dadweyanaha reer Ceerigaabo iyo guud ahaanba bulshadda ku dhaqan gobolka Sanaag in ay iska ilaaliyaan qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta dhexdooda ka jirta.
Wasiirku waxa kale oo uu ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan walaalnimada iyo midnimada dhexdooda, sidoo kalena  ay u soo jeestaan sidii ay wada jir uga shaqayn lahaayeen horumarka iyo wanaaga gobolkooda, isla markaana looga baahan yahay sidii ay ula tartami lahaayeen gobollada kale ee dalka.
Wasiirku  waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay kulan ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta jaamacada magaaladda Ceerigaabo ee Sanaag University.
“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waanan idiinka mahad celinayaa intii aanu idinla joognay, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa guddoomiyaha jaamacada Ceerigaabo oo la sheegay in uu si mutadawacnimo ah ugu adeego jaamacadda, annaguna waxaanu ballan-qaadaynaa in aanu jaamacadda la qabano wixii karaankayaga ah,”ayuu yidhi  Waran-cadde.
Wasiirka Daakhiliga waxa uu bulshadda reer Sanaag ku canaantay in gobolka ay ka jirto qabyaalad xoog badan, isla markaana loo  baahan yahay in arrintaasi laga feejignaado, laganna shaqeeyo horumarka iyo midnimada gobolka, waxaanu yidhi “Haddii aan ka hadlo intii aanu gobolkan joognay, gobollada dalka waanu tagnaa, waxaanu ka ururinaa qabyaalada, waxaanu u shidnnaa luubaanka horumarka. Gobollada kale waxaanu ugu tagi jirnay qabyaalad weyd ah, oo markiiba aanu qabano oo maalin iyo laba aanu kaga soo baxno, laakiin halkan (Ceerigaabo) waxaanu ugu nimi qabyaalad naaxday, sidaa daraadeed, waxay nagu qaadatay in aanu Ceerigaabo joogno maalmo badan.Laakiin ILLAAHAY mahaddii maanta waxaanu gaadhnay in aanu ka saarno ololihii qabyaalada, waxaanad ka dareemi doontaan degenaashaha gobolka iyo horumarkiisa. Waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha reer Ceerigaabo in ay ilaashadaan walaaltinimada iyo midnimada, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka.”
“Waxaan idiinka mahad naqayaa sidii wanaagsanayd ee aad u garateen xumaanta qabyaalada, ee aad dareenteen in ay gobolka Sanaag oo dhan saamaysay, laakiin waxaan ka markhaati kacayaa in jaamacada Ceerigaabo ee Sanaag University ay ka nabad gashay qabylaada, malaha waxay ka baqatay cilmigiina iyo aqoontiina,” ayuu yidhi  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Warancadde, waxaanu intaa ku daray “Reer Ceerigaabo waxaan u soo jeedinayaa laga bilaabo maanta in nin waliba go’iisa, cimaamadiisa iyo habalaha xijaabadoodii ay ka hurgufaan qabyaalada.”
Haddii aynu qofka nabad-gelyo darrada samaynaya aynu u hiilino, oo aynu u adeegno oo ugu hiilino, oo shaydaan dhanxiir ah aynu u wada arki wayno, masiibada ka dhalataa way ina wada saamaynaysaa, haddii se aynu halkiisa ku qabanno, wax alla wax ay qabyaalada iyo qof xumi ina yeeli karaa  ma jirto,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
 
Cali Maxamed Warancadde waxa uu gabogabadii ugu balan-qaaday jaamacada magaalada Ceerigaabo ee Sanaag University in uu ku caawinayo dhaqaalaha ku baxaya silig lagu wareejinayo xayndaabka Xarunta Jaamacada, waxaanu ugu deeqay lacag dhan laba kun oo dollar, waxaanu yidhi “Siligii lagu wareejin lahaa xayndaabka jaamacada ee lagu ilaalin lahaa ammaanka iyo xoolaha cunaya siidhka dhirta, waxaan idiinku deeqayaa lacag dhan laba kun oo dollar.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply