Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladda Oo Soo Bandhigtay Sida Loo Dhaqan-geliyay Hanaanka Maamul Daadejinta

0
292

Hargeysa(Dawan)- Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabogalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland,  ayaa shalay   soo bandhigay warbixin ku saabsan heerka maamul daadajinta hay’addaha dawladda iyo shaqooyinka iyo lacagta miisaaniyadda wasaaraddaha ugu jirta gobollada iyo degmooyinku siday u fulaan.
 
Guddida Ilaalinta Hantidda Qaranka ee aqalka Wakiiladdu waxay warbixintooda ku shaaciyeen munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirro,  Badhasaabo, Xildhibaanno, saraakiil ka socday axsaabta qaranka iyo marti-sharaf kale. Warbixinta waxaa saldhig  u  ahayd  macluumaad  laga helay isuduweyaasha wasaaraddaha u jooga gobollada oo warbixinno ku saabsan  shaqo iyo kharashaadka   gaadha gobollada. Guddidu waxa kale oo ay hore  kormeer ku soo mareen  gobollada iyo degmooyinka, waxayna haatan soo bandhigtay warbixin ay  ku sheegtay sida uu  dhaqan-galay  hanaanka maamul daadejintu iyo kharashaadka wasaaraduhu ay gaadh siiyaan isku-duweyaashooda gobollada.
 
Geesta kalena, Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa soo dhawaysay warbixin ay soo bandhigeen guddida ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee Golaha Wakiilada, taas oo ku saabsanayd in kharashaadka maaliyadu gaadhaan gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan.
Wasiir Samsam oo ka hadashay munaasibad shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo guddida ilaalinta hantida qaranka ee golaah wakiilada ku soo bandhigay warbixin  ku wajahnayd kharashaadka miisaaniyada ee gobollada dalka, waxaanay sheegtay in warbixintani tahay mid loo baahnaa oo umadda u dan ah, waxaanay xustay in ka wasaarad ahaan ay la shaqayn doonaan guddida ilaalinta iyo dabo galka hantida qaranka ee Golaha Wakiiladda.
“In aynu wada shaqayno waa mid muhiima oo umadda u dan ah, tallada dhaqaalaha aynu hayno ummadda ayaa leh, ummaddu waxa ay leedahay in la gaadhsiiyaana waa mid waajib ah, in la soo hubiyo inay gaadhayna waa mid aynu u baahanahayoo la asiibay,”ayay tidhi Wasiirka Maaliyaddu.
Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, inaan la eryaynin iskuduwaha sheegay inaan wax kharash ah loo dirin, waxaanay tidhi “Markaa waxa ay ila tahay inay wax innoo tarto mooyaane waxba ma xumaanayaan, isu duwaha yidhi  waxba imay soo gaadhin ciddina ma eryayso waxaana loo eryayn wasiirradiina way sheegeen wixii ay u dirayeen gobollada waxay ila tahay wax innaga xumaanayaana ma jirto, sidaas ayaan ku wada shaqaynaynaa.”
“Aad ayaan ugu faraxsanahay hawshaa weyn ee aad soo qabateen waana idiinka mahad-naqayaa sida aad u soo bandhigteen iyo dadka aad iskugu yeedheen, saddex toddobaadna miisaaniyadda dib ayaan u dhignay oo arrintan ayaan sugaynay waana waajib in qof  walba lala xisaabtamo waxaana xilkaagu yahay in aad hantida ummadda dabo-gasho oo sheegto ciddii ay hantidu ku maqan tahay, haddaynu taa gaadhno waa waxa adduunku horumarka ku gaadhay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply