Qalbiyo Murugaysan Oon la Dareemayn!

0
429

Dhakhtarka ayaa soo galay Isbitaalka ka dib markii loogu yeedhay bukaan qalliin degdeg ah u baahan. Intii aanu gelin qolka qaliinka ayuu la kulmay Aabaha wiilka la qalayo, waxaana uu ku yidhi Aabuhu: “ Dhakhtar waad raagtay, nolosha wiilkaygu waa halise miyaanad dareen lahayn?
Dhakhtarka ayaa dhoola caddeeyay hawshiisa qaliinkana galay, isagoo ku yidhi Odayga, waxaan rajaynaya inay khayr ku dhamaato, laakiin Allah (sw) ku kalsoonow.  Qaliinka ayaa qaatay laba saacadood.
 
Dhakhtarkii ayaa soo baxay wuxuuna ku yidhi Aabaha wiilka dhalay “Waan dhameeyay qaliinka wiilkaaga cafimaadkiisuna aad ayuu u wanaagsan yahay. Allah (sw) mahad leh”. Ka dibna Wuu iska dhaqaaqay isagoo yidhi balan kale ayaan leeyahay. Mana sugin su’aalaha Aabuhu weydiinayo.
Aabaha aya markii ay ka soo baxday gabadhii kaalisida ahayd isagoo cadhaysan ku yidhi “ Muxuu ahaa dhakhtarkan aan naxariista lahayn”. Gabadhii ayaa ugu jawaabtay wuxu ku degdegayay wiil uu dhalay oo shil gaadhi ku dhintay aaskiisa oo isaga oo hawshiisa wada uga yimi qaliinka wiilkaaga si uu u badbaadiyo. Waxa jira qalbiyo murugoonaya oo aan la dareemayn.  Dhakhtarka ayaa ahaa Dr.Saciid Qaxdaan oo ka shaqeeya Isbitaalka Guud ee Casiir ee Dalka Sacuudiga. (Wargeyka Arakaba).

Leave a Reply