Hurdada Oo La Ogaaday Raadka Ay Ku Yeelato Xusuusta

0
384

khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa soo gunaanaday daraasad ay muddooyinkii ugu dambeeyeyba wadeen oo ku saabsanayd hurdada iyo raadadka ay ku yeelato xusuusta dadka ama bani’aadmiga.
khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Tsukuba University ayaa ku salaysay daraasadoodan hurdada xidhiidhka ah ama sida joogta ah loo seexdo iyo sidoo kalena xusuusta bani aadmiga.
waxaanay sheegeen inay ka eegayeen daraasadan intii ay wadeen dhinaca tayada maskaxda ee shaqada ,iyaga oo eegaayey sida ay qaybaha xusuusta ee maskaxdu xidhiidhka ula lee dahay hurdada.
khubaradan oo u badnaa Saynisyahano ayaa daraasadan oo ay muddo dheer soo wadeen intii ay wadeen waxay sidoo kalena eegayeen waxyaalaha maskaxda dhex mara ee loo yaqaano  Delta Waves,kuwaas oo lagu tijaabiyey jiir nooca tijaabooyinka ah ee lagu magcaabo Mice ka.
Delta Waves ayaa ah mawjado ka yimaada maskaxda oo jidhka taga waqtiga hurdada lagu jiro,kuwaas oo inta badan ah kuwa keena inay xusuusto dib u soo noqoto,waxaanay khubaradani sheegeen in waqtiga hurdada ,gaar ahaana hurdada lagu noq noqdo ay keento inay yaraadaan mawjadahaasi,taas oo qofku diiqad badan ka qaado noqdona mid cadho lasoo toosa.
khubaradan ayaa sheegay in qofka oo hurdo caadi ah seexda muddo sideed saacadood ah ay keento inuu qofku helo xusuusta oo fiicnaata iyo jidhka oo nasta,gaar ahaana maalintoo oo ay sheegeen in muddo kasta oo uu seexdaa ku filan tahay qofka.
culimadan ayaa ka digay hurdada lagu noq noqdo ,taas oo qofka ku keeni karta xanuuno kala duwan.
khubaradan oo ahaa kuwa wadanka Japan u qaabilsan dhinaca Neurons ka ayaa sheegay in Delta Waves ku ay ka caawiyaan maskaxda iyo xusuustaba  in maskaxdu ay noqoto mid degta,sidoo kalena shaqadeedu u socoto si degan,gaar ahaana ay aad u shaqeeyaan habeenkii.
waxaanay daraasadooda kusoo gunaanadeen in 20% habeenkii kamid ah oo ah laba meelood habeenkii ay keento haddii qofku si fiican u seexdo inay maskaxdiisu subixii noqoto mid si fiican u shaqaysa,sidoo kalena ay noqoto mid caafimaad qabta.

Leave a Reply