Dibad Baxyo Lagu Diidan Yahay Dhibaatooyinka Loo Geysto Deegaanka Oo Ka Dhacay Dalal Badan

0
351

Malaayiin qof ayaa shalay dibad baxyo ka sameynaya caalamka daafahiisa, ka hor intaan la qaban shirka isbadalka cimilada ee adduunka ee ka dhacaya caasimadda Paris, dad badan ayaa baanabaxyo ka sameeyay magalooyinka Sydney, Seattle, Honkong, Barlin, London iyo Sao Paolo.
Magaalada Paris iyadu waxaa wali saaran xukun degdeg ah waxaana la mamnuucay isusoo baxyada, dadka ayaa kabo dhigaya barxada Jamhuuriyada ee Paris si ay u sameeyaan bannaanbax mala’awaal ah.
Boqolaal kun oo dad ah ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan dibad bax ka dhacaya magaalada Paris.
Dadkaas qaar ka mid ah ayaa kaboohada waxa ay ku xardheen fariimo ay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha caalamka in ay talaabo ka qaadaan arrimaha cimilada. Kabaha qaar oo dhir lagu beeray ayaa iyagana halkaa la dhigay. Baadari weyne Pop Francis iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki moon, ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga hadlay.

Leave a Reply