Gob Ka Dhig Badeecada/Adeega (Reputation)

0
351

Gobbanimadu waa in badeecadaada/adeegaaga ay sumcad iyo karaamo biyo kama dhibcaan ah ku yeeshaan deegaanka aad ka ganacsanayso. Dadka iibsanaya badeecadaada/adeegaaga waa in ay usoo haliilaan, waa in ay ku faraxsanyihiin marka ay iibsanayaan, waa in ay jacayl u iibsanayaan, aysan u iibsan dani ku baday.
Haddii ganacsigaagu uu noqdo dani ku baday, waligii kobci maayo, tarmi maayo, tisqaadina maayo. Waxuu ku dambayn ma dhalays aan tirsane.
Haddaba si aad sumcad ugu dhex yeelato bulshada aad ganacsiga ka dhex samaynayso ku dadaal oo u hagar bax, arimahan soo socda:

  1. Mehradaada yaan laga maqlin kalmada ah “badeecad/adeeg yaa kala go’ay”
    2. Tayada badeecadaada/adeegaaga waa in uu ahaadaa kan ugu sareeya deegaanka
    3. Ha kaga hadhin badeecada/adeegaaga in ay deegaanka ugu sareeyaan ku fikir in ay noqdaan kuwa aduunka ugu sareeyo
    4. Wakhti waliba oo loo baahdo badeecadaa/adeegaa halagaa helo (mehradaadu inta ay furnaan karto ha furnaato) sida cabdullahi canoole hala isku soo sheego
    5. Qiimaha badeecadda/adeegga inta ay sugnaan karaan ha sugnaadaan
    6. Shaqaalahaagu inta xirfad loo baahanyahay in ka sarayso, ha lahaado
    7. Raaligalinta macaamiisha, ha noqoto falsafada ugu sareeyo ee aragtida mehradaada
    8. Iska ilaali kacdoonada kaaga yimaada bulshada
    9. U hogaansan xeerarka wadanka, waxay samayn ku yeelan karaan sumcadaada
    10. Ilaali sirta macamiisha gaar ahaan mehradaha telefoonada/dhakhtarada/la taliyayaasha ganacsiga/garyaqaanada/bangiyada
    11. Indho fiican u yeelo kolba dhaqdhaqaaqa suuqa iyo falcelinta macaamiishaada

Mohamed Jibrill
Jibriil05@hotmail.com

Leave a Reply