Diyaaradaha Ruushka Oo Duqaymo Ay Ka Gaysteen Suuriya Ku Laayay Rayid

0
373

Hawl-wadeeno ka tirsan mucaraadka Suuriya ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymo cirka ah oo ay rumeysan yihiin in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay qaadeen.
Weerrarada ayaa ka dhacay magaalada Ariha ee gobolka Idlib, waxaana sidoo kale la soo sheegayaa in tiro fallaagada ka mid ah lagu dilay. Magaalada waxaa haysta kooxo is-bahaystay oo Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda dawladda Syria.

Leave a Reply