Ruushka Oo Wadankiisa Ka Mamnuucay Ganacsiga Ka Yimaada Dalka Turkeyga

0
341

Madaxwaynaha wadanka Russia ayaa aqalka baarlamaanka wadankiisa u gudbiyay warqad uu saxeexay, taasoo sheegaysa in dhamaan alaabta laga soo saaro wadankaasi Turkey ee lagu iibiyo gudaha wadankaasi Russia ay mamnuuc tahay in la iibsado iyo in la iibiyaba taasoo  baarlamanka wadankaasi isla markiiba gudbiyay.
Russia ayaa ka doonaysa in Turkey raali galin buuxda ka bixiyo diyaaradii uu ka soo riday todobaadkii hore dalka Raashiya, taasoo turkuguna sheegtay in ay soo gashay xaduudkeeda isla markaana ay marar badan u digeen taas oo uu ku dhintay hal duuliye oo la sheegay in lagu dilay dhulka ka hor intaysan diyaaradaasi la soo ridin mid kalena ka badbaaday.
Russia iyo Turkey ayaa todobaadkan ooo dhan hanjabaado hawada isu marinayay iyadoo cilaaqaadka labada wadan uu sii xumaanayay kadib markii ay Russiana kaga jawaabtay arrinta Turkigu sameeyey inay dalabto in dadka ka jooga wadankaasi Turkey ee u dhashay wadankeedu ay bil gudaheed kaga soo baxaan isla markaana ay xidhay ganacsade caan ah oo reer Turkey ah.
 

Leave a Reply