Duuliyihii Labaad Ee Diyaaradii Turkigu Soo Riday Oo Suuriya Lagu Dilay

0
360

Turkigu ayaa wuxuu sheegay in ay heleen maydka duuliyihii Ruushka ahaa ee dhintay markii diyaaradisii lagu soo riday meel u dhow xadka Suuriya. Waxaa hadda la diyaarinayaa sidii Ruushka loogu wareejin lahaa meydka duuliyaha.
Duuliyahan ayaa waxa la sheegay in ay toogteen fallaago reer Suuriya ah, kadib markii uu ka booday diyaaradiisii oo Turkiga gantaal ku dhuftay. Duuliyihii kale ee diyaarada saarnaa ayaa la badbaadiyay, arrintan ayaa xiisad xoog leh ka abuurtay Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera dhinacyada isku haya Suuriya. Maalintii Jimacaha aheyd ayaa Ruushka waxa uu ku dhawaaqay xayiraado dhaqaale oo aargoosi ah oo ka dhan ah Turkiga.
 

Leave a Reply