Qaaraddda Yurub ee gabowday waxay ku kala horeeyaan dhinaca dhaqaalaha iyago ay ku yaallaan dalal aad sabool u ah. Dalka Yukreen ayaa noqday kan ugu faqiiran qaaradaasi. Dakhliga qofka meel dhexaadka ah soo gala bishii ayaa noqday qiyaas dhan $ 170 doller oo keliya.
Ukreen waxay ka kooban tahay 24 gobol waxaana ay noqotay burburkii Ruushka ka dib dawlada labaad ee leh ciidan ballaadhan ee ka mid ahayd Midowgii Sofiyeet. Tirada dadka ku nool ayaa lagu qiyaasaa 46 malyuun qof, iyagoo 78% ay yihiin dad asalkoodu yahay Ukreen. Inta soo hadhay ayaa isugu jira Ruush, Bela Ruusiya iyo Romnaiya. Luqadda rasmiga ah ee dalka waa tan Ukreen, inkasta o si weyna loo isticmaalo luqadda Ruushka. Diinta ay haystaan ayaa ah Kiristaanka , mad-habta Orthodox.