Dagaalada yaabka leh ee dhex maray dawlado waxa ka mid ah kii ka dhex qarxay sanadkii 1925 labada dal Giriiga iyo Bulgariya, labada dawladood ayaa ka qayb galay dagaalkii koowaad ee dunida iyagoo iska soo horjeeda. Markii dagaalkii uu dhamaaday goobaha xadka ee labad dal waxay ahaayeen kuwo degan laakiin haddana uu shaki badani ka jiray.
Haddaba bishii October 22, sanadkii 1925 magaaladda ku taalla xaduuda ee Petric waxa u talaabay Ey uu lahaa askari Giriig ahi, Waxaana Eygaasi toogtay Askarta ilaalada xadka ee Bulgaariya isagoo halkaasi ku dhintay. Dawladda Giriiga ayaa arinkaasi ka cadhootay waxayna weerar adag ku qaaday maalintii ku xigtay magaalada Petric. Magaaldaasina way wada qabsatay, waxayna dagaalkan ka dhigtay kuwii ugu yaabka badnaa ee dunida ka dhaca.
Bishii Augst 27 Sanadkii 1896 dagaalkii dhexmaray dalka Ingiriiska iyo Xaakinkii Sinisbaar. oo socday muddo 38 daqiiqo keliya ayaa noqday dagaalkii dunida ugu gaabnaa ee dhaca. Dagaalka ayaa istaagay markii Sinsibaar iclaamisay inay dagaalkii ka baxday.