Shirkadda Rayzone Group oo ah shirkad laga lee yahay Israel ayaa soo saartay qalab cusub oo u shaqaynaaya habka Bluetooth ka ,kaas oo u diraaya mobileska Galaxy-ga iyo kuwa ale ee Smart Phone ka ah program cusub oo lagu xadi karo laguna heli karo dhamaan macluumaadka ku jira mobile.
shirkadda ayaa program-kan u bixisay Inter App,waxaanu fududaynayaa helida macluumaad kasta oo ku jira telkaasi,iyada oo ay shirkaddu sheegtay inay dhowaan suuqyada soo gelin doonaan si dadku u iibsadaan,waxa iyaguna dhankooda ka qayliyey shirkaddaha mobiles ka sameeya,kuwaas oo sheegay inay tahay talaabadani khiyaano.
waxyaalaha kale ee sida fudud loogu ogaan karo Program-kan ayaa ah Password-ka mobile,emails-ka kusoo dhaca,iyo Codes-ka kale ee ku jira ama loo isticmaalo,iyada oo sidoo kalena si fudud lagu heli karo sawiradda ku jira mobiles kaasi,iyada oo sidoo kale laba qof oo kasta oo isu diyaara warbixin ama sawiro laga dhex faa’idaysan karo ,waxa kale oo loo isticmaali karaa habka Wi-Fi-ga oo kale ama wireless ka oo kale.
Program-kan ayaa waqtigan la wadaa sidii loogu samayn lahaa qalab kale oo isagana loo isticmaalo madaarada ,kaas oo ururin kara kumanaanka taleefan ee dadka madaarka joogaa ay isticmaalayaan xataa hadii aanu ku xidhnayn Wireless ka,iyada oo aanu qalabkani wax saamayn ah ku yeelanayn mobiles-kaasi lana dareemayn.
Program-kan ayaa ah mid lagu isticmaali karo warbixina lagaga heli karo dhamaan mobiles-ka la isticmaalo ,gaar ahaana kuwa ku shaqeeya iOS-ka iyo Android-kaba.
qalabkan ayaa noqon doona mid amaanka aad loogu adeegsado,iyada oo lagu ogaanaayo farin walba oo amaan daro oo laysu diraayo,sidoo kalena waxa la rajaynayaa in lagula socdo dembiileyaasha fariimohooda.