Sucuudiga Oo Dhisaya Fooqa Ugu Dheer Caalamka

0
341

wadanka Sucuudiga ayaa noqday wadanka laga dhiso dhismaha ugu dheer Caalamka,iyada oo dhismahaasi laga taagaayo magaalo xeebeeda Jidda,waxaanu noqon doonaa sidoo kale dhismaha ugu qaalisan dhisme ahaan,iyada oo ay ku bixi doonto lacag dhan ilaa  1.2 Bilyan oo lacagta Maraykanka ah
dhismahan ayaa noqday markiiba mid si aada usoo jiitay indhaha warbaahinta ,iyada oo lasoo bandhigay habka dhismaha (Design) ee uu noqon doono dhismahaasi,waxaana loo bixiyey magaca ah King Dom Tower oo uu caan ku noqon doono.
dhismahan ayaa meesha ka saaray dhismihii hore kaalintan ugu jiray oo ah mid ku yaala magaalada Dubai ee wadanka isu taga imaaraadka Carabta,kaas oo lagu magcaabo Buji Khalifa,waxaanu dhismahani ahaa mid aad loogu dalxiis tago.
dhismaha gurigan caalamka ugu dheeraanaaya ayaa la bilaabay sannadkii 2014-kii,iyada oo ay dhismihiisa si toosa uga qayb qaadanayso dawlada Boqortooyada Sucuudigu,waxa sidoo kale tayadiisa gacanta ku haya khubaro kala duwan oo ka socota wadamo tiro badan .
waxa la filayaa in xadhiga laga jaro lana soo afmeero dhismihiisa dhismahan lagu magcaabo King Dom Tower sannadka 2020 ka,iyada oo loo diyaarinaayo xaflad balaadhan oo loo qabto furitaankiisa iyo martiqaadka madaxda caalamka qaar badan oo kamid ah.
dhismeyaasha ugu dhaadheer ayaa ah kuwo kasbada soona jiita dalxiiseyaal badan ,iyada oo ay dadku aad ugu dalxiis tagaan sawirona kusoo galaan dhismeyaashaasi oo ku kala yaala magaaloyin kala duwan oo kala ah Dubai ,Shanghai,Hongkong ,Doha,Kuweit iyo New York,waxaanu kani kaalinta kowaad ka geli doonaa dhismayaashaasi.

Leave a Reply